Qoor Qoor iyo Mahad Salaad oo Isfaham Hordhac ah ka Gaaray Doorashada Galmudug

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa martigelisay wada-hadallo dhowr maalmood socday oo u dhexeeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, kuwaas oo laga soo wariyey in laga gaaray isfaham hordhac ah sida ay ogaatay Banaaadir24 Online.
Wadahadallada oo maray afar wareeg ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashada Galmudug iyo sidii dhinacyadu u gaari lahaayeen isafgarad dhameystiran oo ku saabsan geeddi-socodka doorashada qof iyo codka ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya dooneyso inay halkaasi ka dhacdo.
Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku afgarteen qodobo muhiim ah oo gogol-xaar u noqon kara heshiis rasmi ah, iyadoo dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo xasilloonida siyaasadeed ee maamulka Galmudug ay weli socdaan.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la filayaa inuu berri gaaro Dhuusamareeb si uu uga qeyb qaato dhammaystirka qodobada lagu heshiiyey, islamarkaana loo shaaciyo heshiis rasmi ah oo ku saabsan arrimaha doorashada Galmudug taasoo noqon doonta doorasho u dhici doonta sida ay dowladda federaalku ogoshahay oo kaliya.









