LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliyihii Guutada 14-ka Oktoobar Oo Xilka Laga Qaaday Iyo Mid Cusub Oo La Magacaabay

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Guutada 14-ka Oktoobar, G/le Dhexe Muunye, iyadoo xilkaas loo magacaabay G/le Cismaan Muuse.

Wararka laga helayo taliska ciidanka ayaa sheegaya in isbeddelkan uu qayb ka yahay dib-u-habeyn lagu sameynayo hoggaanka iyo howlaha ciidamada, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay xil ka qaadista Taliye Muunye.

G/le Dhexe Muunye ayaa muddo hoggaaminayay Guutada 14-ka Oktoobar, oo ka mid ah cutubyada muhiimka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Taliyaha cusub ee la magacaabay G/le Cismaan Muuse ayaa la filayaa inuu si rasmi ah ula wareego hoggaanka guutada maalmaha soo socda.

Dowladda federaalka ee waqtigeedu dhammaaday ayaa muddooyinkaan waday xilka qaadis lagu sameynayo qaar kamida taliyeyaasha Ciidamada waxana intabadan xilalkan lagu abaal marinyay saraakiil si aad ah ugu dhow madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu amra xil ka qaadista lagu sameeyo taliyeyaasha uu aaminsanyahay inay u dhowyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah kana soo horjeesa karaan muddo xileedkiisa dheeriga ah.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay isbeddelkan hoggaamineed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *