Author: Banaadir24

Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka XDS, kaas oo lagu falanqeeyay warbixino iyo aragtiyo la xiriira horumarinta, dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka XDS. Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Ciidanka XDS, iyadoo xubnaha guddigu ay Taliyaha u soo bandhigeen warbixino iyo talooyin ku saabsan xoojinta awoodda Ciidanka iyo dardargelinta geeddi socodka dib u dhiska Ciidanka XDS. Guddigan, oo ay ka tirsan yihiin saraakiil sare oo door muhiim ah ka soo qaatay dib u aasaaskii iyo hoggaamintii Ciidanka XDS kaddib burburkii dowladdii dhexe, ayaa adkeeyay muhiimadda ay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo dhawaan loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa uga hadlay, muhiimadda Golaha Sharci-dejinta iyo doorka laf-dhabarta u ah ee uu ku leeyahay dhismaha dowladnimada, ilaalinta dastuurka iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaalintii uu ka soo qaatay hoggaaminta Golaha Shacabka intii uu xilka hayay, isagoo xusay dadaalladii lagu xoojiyay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda…

Read More

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, gaar ahaan colaadda u dhexeysa dad walaalo ah oo isku deegaan ah oo ka dhacday Degmada Jalalaqsi. “Dagaalka murugada leh ee dhex maray dad walaalo ah oo isku deegaan ah kana dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin, lagamana aamusi karo. Waxa uu dhaawacayaa nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka,” ayay tiri Guddoomiyaha…

Read More

Hoggaamiyayaasha Golaha Mustaqbalka ayaa ku adkeystay in dhammaan saaxiibada caalamiga ah ay si wadajir ah uga qayb qaataan dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, iyagoo sheegay in aan hal dhinac lagu aamini karin geeddi-socodka dhexdhexaadinta. Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, Golaha Mustaqbalka ayaa aaminsan in mideynta dadaallada caalamiga ah ay fure u tahay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo waara, xilli dowladda Turkiga ay doonayso inay kaligeed hoggaamiso dadaallada dhex-dhexaadinta ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka. Maalmihii la soo dhaafay, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa yeeshay wada-hadallo…

Read More

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, Gaashaanle Sare Maxamuud Muuse Bile “Fardafuul”, ayaa si adag uga hadlay xaaladda amniga gobolka, isagoo sheegay in aan loo dulqaadan doonin in hub sharci-darro ah lagu dhex qaato magaalooyinka gobolka. Taliyaha ayaa sheegay in Booliisku si buuxda u gudan doono waajibaadkiisa amni, isagoo uga digay cid kasta oo isku dayda inay qalalaase ka abuurto deegaannada Mudug. “Naftiinna ha ku qamaarina amni-darro iyo falal sharci jebin ah. Gobolka iyo degmooyinkiisa waxaa masuul ka ah hay’adaha amniga, mana aqbali doono in hub magaalada lagu soo galo,” ayuu yiri Taliyuhu. Sidoo kale, wuxuu eedeyn u jeediyay shaqsiyaad uu…

Read More

Ciidanka Booliiska Caasimadda ayaa wada baadi-goob xooggan oo lagu raadinayo eedeysanayaal ku eedeysan falal xadgudub ah oo ka dhan ah gabar muwaadinad ah. Eedeysanayaashan ayaa baraha bulshada lagu arkay iyaga oo ku kacaya falal ka hor imaanaya dhaqanka suuban ee Islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed. Ciidanka Booliiska ayaa si dhow ula socda kiiskan, waxaana socda baaritaanno iyo daba-gal rasmi ah si loo soo qabto eedeysanayaasha loona horkeeno sharciga. Booliisku waxay sidoo kale ka codsanayaan shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo ka caawin karta soo qabashada eedeysanayaasha ku lugta…

Read More

Masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulkii hore  Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Xasan Cabdiqaadir, ayaa maanta kormeer shaqo ku maray qeybo kamid ah magaalada Baydhabo. Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed, xildhibaanno iyo saraakiil sare oo ka tirsan, kuwaas oo u kuurgalay xaaladda amniga iyo duruufaha bulshada ee magaalada. Intii uu socday kormeerka, masuuliyiinta ayaa shacabka Baydhabo kala kulmay soo dhaweyn ballaaran, iyadoo dadka deegaanka ay muujiyeen taageerada ay u hayaan dadaallada maamulka Laftagareen ee lagu xoojinayo amniga iyo xoreynta deegaannada wali ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka…

Read More

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 2-aad ee Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika ee Xallinta Khilaafaadka Beddelka ah (Alternative Dispute Resolution – ADR), kaas oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Shirkan heerka sare ah, ayaa waxaa isugu yimid Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare, madaxda hay’adaha garsoorka iyo khubaro ka kala socday dalalka Afrika, si ay uga wada hadlaan horumarinta nidaamyada caddaaladda, kor u qaadista adeegyada garsoorka iyo xoojinta adeegsiga hababka ADR-ka ee lagu xalliyo khilaafaadka. Madasha ayaa si rasmi ah waxaa u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, William…

Read More

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan aan caadi ahayn, kaas oo ajandihiisu ahaa xil wareejinta guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo dhowaan loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu wareejiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, taas oo si ku meel gaar ah u sii hayn doonta xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub, si…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) waxay si dhow ula socotaa, kana muujinaysaa walaac iyo murugo qoto-dheer colaadda iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, taasi oo sababtay khasaare naf iyo maalba leh oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku dhex maray beelo walaalo ah Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo falalka beegsiga ah ee sababay dhimasho, dhaawac, gubid, dhac hantiyeed iyo sidoo kale barakac baahsan oo soo gaaray shacabka deegaanka. Waxaa tallaabo sharciga waafaqsan…

Read More