Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Madaxweyne Xasan Sheekh oo wacad ku maray in uusan ogolaan doonin in arrintaan ay ka dhacdo Soomaaliya
    LATEST NEWS

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo wacad ku maray in uusan ogolaan doonin in arrintaan ay ka dhacdo Soomaaliya

    Banaadir24By Banaadir2423 June 2026No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa difaacay isbeddelka dimoqraadiga ah ee Soomaaliya iyo guulaha amni, isagoo wacad ku maray in aan la ogolaan doonin qalalaasaha siyaasadeed iyo ‘cabsi-gelinta hubeysan’’ midna iyo inay wiiqaan horumarka adag ee uu dalka ku tallaabsaday.

    Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan casho sharaf ah oo lagu sagootinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee xilka ka degay iyo Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Aadan Maxamed Nuur ayaa ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya ay ka soo baxday dhowr iyo toban sano oo colaad iyo kala qeybsanaan siyaasadeed.

    “Soomaaliya kuma soo laaban doonto wixii hore,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo wacad ku maray in dowladdu ay weli ka go’an tahay ilaalinta xasilloonida, xoojinta hay’adaha dimuqraadiga ah iyo xaqiijinta in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed.

    “Ma oggolaan doonno in Soomaaliya ay xasillooni darro ka dhacdo,” ayuu ku dhawaaqay munaasabadda habeenimadii Sabtida, isagoo Carrabka ku adkeeyay in kala duwanaanshaha fikradaha siyaasadeed ay tahay in lagu wajaho wadahadal iyo hannaan dastuuri ah halkii lagu wajihi lahaa rabshado.

    Waxa uu xusay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka si joogta ah u raadineysay in ay la xiriirto Siyaasiyiinta ka soo horjeeda, Hogaamiyayaasha Bulshada iyo qeybaha kale, si loo xaliyo tabashooyinka jira.

    Isagoo ka duulaya khibradiisa gaarka ah, Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in ka hor intii aanu Madaxweyne noqon September 2012-kii, uusan waligiis ku hoos noolayn ilaalo hubeysan iyo kolonyo amni. “Markii ugu horreysay ee noloshayda uu Askari nabadsugid ah uu raaco gaariga aan la socday waxay ahayd markii la ii doortay Madaxweynaha,” ayuu yiri.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore ay argagixisadda Al Shabab isku dayeen in ay dilaan. “Inkasta oo aan Madaxweynaha ahay, inkastoo Khawaarijta (Argagixisada Al-Shabaab) ay shan jeer isku dayeen inay i dilaan, haddana waa arrin ay dadka Soomaaliyeed aad ula socdaan, gudaha magaalada Muqdisho iyo kuwa ka baxsan, haddana ma aaminsani inaan u baahanahay kolonyo gaadiid dagaal ah iyo rag qoryo ku dhex lulaya magaalada oo dhan si ay ii difaacaan,” ayuu yiri.

    “Muqdisho waxaa lagu arkay hoggaamiyeyaal dhaq-dhaqaaqooda gilgilay magaalada,” ayuu yiri. “Waxay haysteen kolonyo waaweyn iyo qoryo waaweyn, laakiin waddanku nabad kama helin arrintaas,” wuxuuna dib u xaqiijiyay xuquuqda dastuuriga ah ee Muwaadiniintu ay u leeyihiin inay cabiraan ra’yigooda, abaabulida mudaaharaad iyo ka qaybgalka hawlaha siyaasadeed si nabad ah.

    Madaxweyne Dr: Xasan Sh. Maxamuud oo ku baaqay in la ilaaliyo hantida Dadweynaha.

    “Waxaad xaq u leedahay inaad dhiibato ra’yigaaga, waxaad xaq u leedahay inaad mudaaharaad sameyso,” ayuu yiri, wuxuuna difaacay dib u habeynta doorashada iyo doorashooyinka dowladaha hoose ee Soomaaliya oo dhan, isagoo ku dooday in awoodda siyaasadeed ay si toos ah uga soo dhalaasho muwaadiniinta halkii ay ka ahaan lahayd magacaabid ama qaab dhismeed awoodeed oo aan rasmi ahayn, islamarkana bogaadiyay Bulshooyinka sida nabada leh uga qayb qaatay doorashooyinkii deegaanka iyo tan gobolada ee dalka ka dhacay, wuxuuna ugu baaqay Soomaalida in ay qaataan tartanka dimuqraadiga ah ee loo maro xisbiyada siyaasadda iyo hay’adaha matala.

    “Xilligii nin keliya uu wax walba go’aamiyey waxay Soomaaliya u keentay dhibaato ku filan,” ayuu yiri. “Mustaqbalkeenu waa inuu ku salaysan yahay hay’ado, sharciyo iyo rabitaanka dadka”,  waxa uuna ku booriyay Shacabka in ay ka hortagaan burburinta kaabayaasha dhaqaalaha, islamarkaana waxa uu ugu baaqay in la ilaaliyo Waddooyinka iyo xarumaha kale ee danta guud ee dhawaan dib loo furay, kadib sanado badan oo amni darro ah.

    XIGASHO:TRT Afrika

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleDowladda Federaalka oo ka hadashay dadkii lagu laayay Aricadeeye
    Next Article Xuutiyiinta oo ku hanjabay inay beegsan doonaan Israa’iil Haddii ay soo gasho biyaha Soomaaliya
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    By Banaadir248 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus ka soo saartay iskaashi militari iyo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…
    • Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…
    • Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d