Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka oo Jimco ah weerar culus ku qaaday saldhig ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin deegaanka Ceel-Wareegow ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo amni. Wararka ayaa sheegaya in weerarku uu billowday saacadihii hore ee saaka, kaddib markii kooxda ay weerartay fariisinka ciidamada dowladda, taasoo dhalisay dagaal culus oo la isku adeegsaday hub kala duwan. Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay inay maqleen rasaas xooggan iyo qaraxyo is daba joog ah intii uu dagaalku socday, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay iska horimaadka. Ilo amni…
Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay inay ku guuleysteen howlgal degdeg ah oo lagu soo qabtay toddobo eedeysane oo loo haysto inay geysteen fal kufsi wadareed oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Sida ay sheegeen laamaha amniga, markii Booliska uu helay xogta la xiriirta dhacdada, waxaa isla markiiba la bilaabay howlgal qorsheysan, kaas oo lagu soo qabtay dhammaan eedeysanayaasha muddo laba saac gudahood ah. Eedeysanayaashan ayaa haatan ku jira gacanta ciidamada amniga, iyadoo baaritaannada kiiskuna ay weli socdaan. Booliska ayaa sheegay in marka baaritaanka la soo gabagabeeyo, eedeysanayaasha loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si sharciga waafaqsan loola xisaabtamo. Taliska Qeybta…
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay isbeddellada waaweyn ee ka socda siyaasadda caalamka, isagoo sheegay in colaadaha iyo wada-hadallada ka socda Bariga Dhexe ay si toos ah u saameyn karaan Geeska Afrika, isla markaana ay Somaliland u baahan tahay inay si taxaddar leh ula socoto xaaladahaas. Muuse Biixi ayaa sheegay in dunidu maanta wajahaysa isbeddello siyaasadeed oo waaweyn iyo xaalado amni oo cakiran, isagoo xusay in colaadda Bariga Dhexe ay durba saamayn ku yeelatay Geeska Afrika. Waxa uu tilmaamay in natiijada ka soo baxda wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka ay wax ka beddeli karto qaab-dhismeedka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya maamuuska halyeeyadii nafta u huray soo dhicinta gobanimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah astaamaha lagu xusuusto halgankii taariikhiga ahaa ee shacabka Soomaaliyeed isaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga. Munaasabadda ubax dhigga Taallada Dhagaxtuur ayaa qayb ka ah, dabaaldagyada lagu weynaynayo xuska sannad-guurada 26-ka Juun oo ah taariikhda maalintii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago dalkeenna, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka. Madaxweynaha ayaa ubax dhigga kadib salaam Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidan Booliska Soomaaliyeed, isagoo gacan-qaaday qaar ka mid ah…
Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah Danjiraha Ma-degenaha ah ee Soomaaliya ee Burkina Faso, ayaa maanta guddoon siiyay Madaxweynaha Burkina Faso Captain Ibrahim Traore Warqadda Aqoonsiga Danjirenimo ee uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Maxamud. Kulanka Madaxweynaha kahor, waxaa nuqul Warqadda Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Wasiirka Arrimaha Dibadda Burkina Faso. Markii uu Danjiraha warqadda dhiibay kadib, wuxuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Burkina Faso, isagoo gaarsiiyay salaan gaar ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Maxamud. Madaxweynaha Burkina Faso ayaa dhankiisa bogaadiyay magacaabidda Danjiraha iyo dadaalada xoojinta xiriirka labada…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay diyaarado uga daadgureysay magaalada Muqdisho cutubyo dheeraad ah oo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo la geeyay magaalada Baydhabo si loo xoojiyo amniga, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira xaaladda amni ee ka taagan magaalada iyo nawaaxigeeda. Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonyahay, ciidamada la geeyay Baydhabo ayaa qeyb ka ah qorshe lagu adkeynayo sugidda amniga, iyadoo maalmihii u dambeeyay la soo sheegayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo xaalado kacsanaan ah oo ka jira deegaannada ku hareereysan magaalada. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Gorgor lagu xoojiyay fariisimaha muhiimka ah ee Baydhabo, si looga hortago xaalad…
Warar laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, laga celiyay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee magaalada Nairobi, kaddib baaritaan ay sameeyeen saraakiisha socdaalka. Sida lagu sheegay warbixin booliis, saraakiisha socdaalka ayaa ka shakiyay baasaboor Kenyan ah oo la sheegay inuu watay mas’uulka, xilli lagu guda jiray hubinta caadiga ah ee socdaalka. Warbixinta ayaa sheegtay in markii laga codsaday inuu baasaboorka dhiibo uu diiday, isaga oo sheegay inuu dukumeentigaasi ku soo bandhigi karo oo keliya maxkamad horteed. Intaas kaddib, sida lagu sheegay warbixinta, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka waxaa loo galbiyay qaybta martida…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga haray tartanka dib u doorashada madaxtinimada Galmudug. Qoor Qoor ayaa go’aankiisa ku shaaciyay munaasabad ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ka tanaasulay hamigiisii hoggaaminta Galmudug iyo inuu mar kale u tartamo xilka, taasoo si weyn loogu fasiray inay soo afjartay ololihiisii dib u doorashada. Warar siyaasadeed ayaa sheegaya in go’aankan uu la xiriiro dadaallo ay Villa Somalia ku dooneyso in hoggaanka Galmudug loogu…
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladaha guud ee deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta howlaha dowladda. Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa warbixinno ku saabsan howlaha shaqo iyo waxqabadka wasaaradaha ka dhageystay dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, kuwaas oo soo bandhigay heerka ay marayaan qorshayaasha iyo adeegyada ay bulshada u hayaan. Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Golaha Wasiirrada ku bogaadiyey dadaallada ay wadaan, isagoo faray in la xoojiyo hufnaanta shaqada, dardargelinta adeegyada bulshada iyo…
Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Birmadka Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Wanlaweyn, sida ay xaqiijiyeen ilo amni. Horjoogahan oo lagu magacaabo Xasan Xamuud Yacquub, kana magac dheer (Maslax), ayaa la sheegay inuu xiriir la sameeyay Ciidanka Birmadka, kadibna uu kasoo baxay deegaanka Toora-Toorow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidanka ayaa ku soo dhaweeyay goob ammaan ah, waxaana markii dambe lagu wareejiyay taliska ciidanka gaarka ah ee ku sugan Balidoogle si loogu sameeyo baaritaanno iyo habraacyada amniga ee la xiriira kiiskiisa xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab. Mas’uuliyiinta amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegay in tallaabadan ay…