LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: Taliye Shub Oo Lagu Qancinayo Xil Sare Si Uu Uga Hortago Ciidamada Laftagareen

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xalay magaalada Nairobi ergo ahaan ugu diray ganacsato iyo siyaasiyiin si ay ula kulmaan Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub).

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wada-hadalladaasi lagu lafa-guray xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo la sheegay in Taliye Shub loo ballan-qaaday dib ugu soo laabashada hoggaanka Ciidanka Asluubta haddii uu door ka qaato xal u helista ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Ciidamada taageersan Laftagareen ayaa la sheegay inay cadaadis amni ku hayaan maamulka hadda ka jira Baydhabo, iyagoo marar kala duwan fuliyay weerarro iyo dhaq-dhaqaaqyo hubeysan oo ka dhacay gudaha iyo duleedyada magaalada.

Dhanka kale, xiriirka Xasan Sheekh iyo Taliye Shub ayaa hore u soo maray marxalado adag, kadib markii xilkii laga qaaday taliyihii hore ee Asluubta, isla markaana muddo xabsi guri la geliyay. Markii dambe, Taliye Shub ayaa sheegay in xitaa gurigiisa la dhacay xilligii uu ku jiray muranka siyaasadeed.

Dowladda federaalka ayaa Taliye Shub u aragtay masuul gacan weyn kasiin kara xal u helidda xaaladda Koonfur Galbeed gaar ahaan gaar ahaan ciidamada daacadda u ah Laftagareen maadaama uu aad ugu dhowyahay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *