LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xuutiyiinta oo ku hanjabay inay beegsan doonaan Israa’iil Haddii ay soo gasho biyaha Soomaaliya

Xubin sare oo ka tirsan Xuutiyiinta Yemen ayaa si adag uga digay joogitaanka ciidamada Israa’iil ee la sheegay inay ka howlgalaan biyaha Soomaaliya, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah loo tixgelin doono “bartilmaameed sharci ah”.

Mohammed al-Farah, oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xuutiyiinta, ayaa sheegay in gobolka Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab el-Mandeb uu yahay meel istiraatiiji ah oo aad muhiim u ah, isla markaana aan la oggolaan doonin faragelin shisheeye.

Wuxuu ku hanjabay in dhaq-dhaqaaq kasta oo ay sameeyaan waxa uu ugu yeeray “cadowga Israa’iil” uu sababi karo jawaab adag oo militari, isagoo sheegay in ay u arkaan halis toos ah oo lagu beegsan karo amniga Yemen.

Dhanka kale, waxa uu ku celiyay in amniga Badda Cas ay mas’uuliyaddiisa iska leeyihiin dalalka gobolka, isla markaana aysan ahayn meel ay awoodaha shisheeye ka sameystaan saldhigyo militari ama saameyn istiraatiiji ah.

Xiisaddan ayaa imaneysa iyadoo horey Israa’iil ay u aqoonsatay Somaliland, taas oo keentay caro iyo diidmo xooggan oo ka timid dowladda federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa sii kordhinaysa xiisadda gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, halkaas oo ay isugu imanayaan danaha awoodaha waaweyn ee caalamka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *