Askar ka goosatay dowladda federaalka oo ku biiray ciidanka Laftagareen

Warar laga helayo duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka goosteen fariisimahoodii, isla markaana ay ku biireen ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay muujinayso isbeddel cusub oo ka dhex socda xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Baydhabo, iyadoo wararku sheegayaan in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan caadi ahayn laga dareemayo hareeraha magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin ciidamada Laftagareen.
Falanqeeyayaal amni ayaa aaminsan in ciidamada dhinac beddelay kuna biiray kuwa mucaaradka kasoo horjeeda dowladda federaalka halgankana ugu jira qabsashada magaalada Baydhabo ay ka tarjumayaan khilaafaad gudaha ah iyo kala aragti duwanaansho ka dhex jira hay’adaha amniga, arrin kor u qaadi karta walaaca laga qabo xasilloonida gobolka.
Baydhabo oo ah xarunta ugu muhiimsan ee Koonfur Galbeed ayaa leh muhiimad istiraatiiji ah, waxaana la rumeysan yahay in isbeddel kasta oo ku yimaada safafka ciidamada uu saameyn ku yeelan karo howlaha amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee gobolka.
Ciidamada Laftagareen ayaa weeraro joogto ah ku haayo magaalada Baydhabo tan iyo markii ay dowladda federaalka kala wareegtay iyadoo xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ay noqotay mid liidata tan iyo markii laga saaray maamulkaas.









