Author: Banaadir24

Wararka laga helayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig ciidan oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Xero Baraxow. Sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo amni, dhowr madfac ayaa lagu tuuray gudaha xerada ciidamada, waxaana la maqlay qaraxyo xooggan oo laga dareemay qaybo ka mid ah degmada Baardheere. Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ku sugnaa saldhigga ay jawaab ka bixiyeen weerarka isla markaana ay xoojiyeen ammaanka goobta. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha xarunta ciidamada, hase yeeshee…

Read More

Warar kala duwan oo ka imanaya deegaanka Ari-cadeeye ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay fiidkii ay rag hubeysan weerar ku qaadeen guryo ay deganaayeen dad rayid ah, iyadoo la soo werinayo khasaare nafeed oo culus. Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, dabley hubeysan ayaa gudaha u galay qaybo ka mid ah magaalada, halkaas oo ay rasaas ku fureen guryo ay ku jireen qoysas, taasoo sababtay cabsi iyo jahawareer xooggan oo soo kala dhex galay shacabka. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in weerarkan uu ka dambeeyay dhacdo kale oo hore oo ka dhacday duleedka Ari-cadeeye, taas oo lagu soo waramayo…

Read More

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed. Guddoonka Baarlamaanka,, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo, saraakiisha hay’addaha amniga iyo qeybaha kala duwan bulshada ayaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ku soo dhoweeyey wafdiga Hogaamiyaha. Intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa kulamo miro-dhal ah la yeeshay madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo safiirrada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Soomaaliya. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray…

Read More

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (BJFS). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga iyo ka-tashiga furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoonka Labada Aqal ayaa yeeshay dood iyo falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan muhiimadda dib u furista Kalfadhiga 8-aad, si Baarlamaanku u sii ambaqaado gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah. Waxaa kulanka lagu adkeeyey doorka muhiimka ah ee Baarlamaanku ku leeyahay horumarinta dowladnimada, xoojinta hay’adaha dastuuriga ah, iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka. Sidoo kale, Guddoonka…

Read More

Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Israa’iil ay horraantii sanadkan ciidamo kooban geysay Somaliland, sida uu qoray wargeyska Middle East Eye. Sida lagu sheegay warbixinta, tallaabadan ayaa la sheegay inay timid kadib markii Israa’iil ay bishii December si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, isla markaana bishii April ay u magacowday safiirkeedii ugu horreeyay ee Hargeysa, Michael Lotem. Mas’uulka Soomaaliga ah ayaa sheegay in warbixinno sirdoon ay muujinayaan in ku dhowaad 50 askari oo Israa’iiliyiin ah loo diray Somaliland, kuwaas oo la sheegay in badankoodu ahaayeen askar asal ahaan Afrikaan ah, gaar ahaan Itoobiyaan, si aysan u…

Read More

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa xoojiyay hawlgallada lagula dagaallamayo falalka anshax-xumada ah iyo wax kasta oo ka hor imanaya dhaqanka suuban ee Islaamka iyo akhlaaqda bulshada Soomaaliyeed. Hawlgalladan ayaa lagu soo qabtay laba eedaysane oo lagu eedeeyay inay si joogto ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ugu faafin jireen muuqaallo lagu tilmaamay kuwo anshax-xumo ah. Booliiska ayaa sheegay in eedaysanayaasha loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si loogu qaado tallaabooyinka sharciga waafaqsan. Sidoo kale, Ciidanka Booliiska ayaa sheegay inay weli ku raad-joogaan dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen fal dhaqan-xumo ah…

Read More

Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur-Galbeed Xasan Cabdulqaadir, oo hoggaaminaya ciidamada taabacsan madaxweynaha dibadda jooga ee Koonfur-Galbeed, Cabdi Casiis Laftagareen, ayaa farriin u diray shacabka magaalada xilli ay jiraan xiisado amni. Wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed si looga baaqsado waxyeello kasta oo ka dhalan karta howlgalada ka socda Baydhabo ee lagu beegsanayo ciidamadaasi. “Shacabkeenna sharafta leh waxaan ka codsaneynaa inay ka fogaadaan meelaha ay ciidamada ku sugan yihiin si aysan dhibaato idiin soo gaarin. Waxaan u taaganahay difaaca Koonfur-Galbeed iyo shacabka deegaannadeeda, annagoo u dulqaadaneyna duruufaha adag…

Read More

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay magaalada Baydhabo ee caawimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Dagaalka oo ahaa mid qaraar ka dhacay xaafadaha Bukriyay, Cunaay, Xanaano Barwaaqo, Warshada Hassey iyo deegaannada u dhexeeya Buundada Keerow Foge iyo Cali Axmaar. Sida ay sheegayaan ilo amni, dagaallada ayaa haatan istaagay kadib markii ciidamo la sheegay inay daacad u ahaayeen Madaxweyne Cabdi Casiis Lafta-gareen ay dib uga baxeen goobihii lagu dagaallamay. Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay iska horimaadyada balse wararka ayaa waxay sheegayaan inuu jiro qasaare ka dhashay dagaalkii xalay oo ahaa…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in haatan gudaha magaalada ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo dhinacyo kale oo ku sugan magaalada. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in rasaas culus laga maqlayo qaybo ka mid ah Baydhabo, iyadoo xaaladda amni ay tahay mid kacsan. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaallada socda, mana jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed ama hay’adaha ammaanka. Xaaladda magaalada ayaa weli cakiran, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin…

Read More

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu baaris ku wado dhallinyaro ku xadgudbay gabar Soomaaliyeed, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono cid walba oo lagu helo ficilkaasi foosha xun. Xafiisku si gaar ay wuxuu baaris ugu wadaa dhacdo fool xun oo ka dhacday baraha Bulshada, taas oo ay geysteen dhallinyaro, kuwaas oo ku xadgudbay gabadh Soomaaliyeed oo ku sugneyd magaalada Muqdisho. Sidoo kale, warka ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid walba oo lagu helo in ay qeyb ka ahayd falkaas foosha xun ee lagula…

Read More