Author: Banaadir24

Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo maanta gaaray magaalada Caabudwaaq, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaaladaas, madaxda Galmudug, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Kulamadaan ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga, ka fogaanshaha colaadaha dadka walaalaha ah ee wada dega waqooyiga gobolka Galgaduud, iyo xoojinta wada shaqeynta ciidamada ammaanka. Taliyaha ayaa si qoto dheer uga hadlay saamaynta ay colaadaha beeluhu ku leeyihiin guud ahaan Galmudug, doorka ay ku leeyihiin amni darrada, iyo sida ay u carqaladeeyaan isu socodka iyo isdhexgalka bulshada. Waxa uu si gaar…

Read More

Ciidamo ka socda degmada Wanlaweyn oo uu hoggaaminayo Taliyaha Saldhigga Booliiska degmadaas, Xasan Ubaay, ayaa Sabtidii si rasmi ah ugu biiray ciidamada taageersan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), kuwaas oo ku sugan duleedka magaalada Baydhabo. Sida ay sheegeen mas’uuliyiin iyo ilo deegaanka ah, ciidamada ayaa gaaray fariisimaha iyagoo wata hub culus iyo gaadiid ciidan, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dhinaca taageersan Lafta Gareen. Mas’uuliyiinta u hadlay maamulka Lafta Gareen ayaa sheegay in ciidamadaasi ay muujiyeen daacadnimo iyo taageero ay u hayaan hoggaanka Koonfur Galbeed, xilli uu weli taagan yahay khilaafka…

Read More

Reports emerging from Mogadishu claim that detained Somali activist Sacdiyo Macallin Ali, widely known as Sacdiyo Bajaaj, has stopped eating while in custody. According to sources familiar with the matter, Sacdiyo is said to have refused prison meals over concerns that her food could be tampered with or poisoned. The reports come against the backdrop of previous allegations of poisoning incidents at Mogadishu’s central prison, although no evidence has emerged linking those incidents to her current situation. There has been no official confirmation from prison authorities or the Somali government that Sacdiyo has begun a hunger strike or is refusing…

Read More

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Sacdiyo Macallin Cali, oo si weyn loogu yaqaano Sacdiyo Bajaaj, ay bilowday inay ka soonto cuntada lagu siiyo xabsiga ay ku xiran tahay. Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, Sacdiyo ayaa la sheegay inay tallaabadan u qaaday cabsi ay ka qabto in cuntada loo geysto waxyeello ama sun loogu daro. Wararkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo hore loogu soo warramay dhacdooyin sumeyn la xiriiray oo ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho, inkastoo aan la xaqiijin wax xiriir ah oo ka dhexeeya dhacdooyinkaas iyo xaaladda hadda jirta. Dhanka kale, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay G/le Dhexe Cabdullaahi Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) inuu noqdo Taliyaha Ururka 17-aad ee Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad wareegtooyin soo baxay 22-kii Juun 2026 oo ay heshay Banaadir24 Online. Wareegtada diiwaangelinta oo summaddeedu tahay HGWG/XDS/062/26 iyo wareegtada magacaabista oo summaddeedu tahay TIX/XTC/XDS/0338/26 ayaa lagu sheegay in Ururka 17-aad uu saldhiggiisu noqon doono magaalada Boosaaso, isla markaana uu si toos ah uga amar qaadan doono Dowladda Federaalka, isagoo ka madax-bannaan Qeybta 54-aad. G/le Dhexe Cabdullaahi Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), oo haysta lambarka diiwaangelinta X/76713, ayaa sidoo kale la sheegay inuu yahay walaalka Taliyaha Ciidanka Booliiska…

Read More

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu biirtay shan iyo toban (15) heshiis, baratakool iyo lifaaq-sharciyeed caalami ah oo la xiriira arrimaha badaha, taas oo ah tallaabadii ugu ballaarneyd uguna muhiimsaneyd ee lagu casriyeynaayo hannaanka sharciyeed ee badaha Soomaaliya tan iyo markii uu dalku xorriyaddiisa qaatay. In kasta oo Soomaaliya ay leedahay xeeb-barriyeedka ugu dheer Afrika, isla markaana ay ku taallo marinno istiraatiiji ah oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan adduunka, haddana tan iyo 1960ki waxay ku biirtay oo keliya saddex heshiis oo caalami ah oo…

Read More

Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray maanta 27-da Juun 2026, si adag ugu beeniyay warar dhowaanahan lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in deegaanka uu ka socdo ama la qorsheeyay barnaamij la xiriira dib-u-heshiisiin. Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qoraalkeeda ku caddeysay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana loogu talagalay in lagu jahawareeriyo bulshada, lagu wiiqo kalsoonida hay’adaha dowladda, lagana abuuro xog marin-habaabin ah oo aan ka tarjumayn xaqiiqada dhabta ah ee deegaannada Koonfur Galbeed. Sidaa darteed, Xafiiska…

Read More

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyay duqeymo is xigxigay oo lagu beegsaday fariisimo iyo xarumo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada Gayfo, Ruun Idiris iyo Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga, howlgalka ayaa dhacay muddo saddex maalmood ah, iyadoo duqeymihii la fuliyay 24-kii iyo 25-kii bishan lagu burburiyay xarumo ay kooxda u adeegsan jirtay qorsheynta weerarrada, goobaha tababarka iyo kaydinta hubka. Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha lagu dilay ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka sidoo kale la burburiyay laba gaari, saddex mootooyin, hub, rasaas iyo saanad ciidan…

Read More

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Degmada Kaaraan, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Shariif Abuukar Maxamuud, kaas oo lagu eedeeyay inuu geystay fal isugu jira dil iyo dhaawac oo ka dhacay gudaha degmadaas. War kooban oo ay soo saareen Booliiska ayaa lagu sheegay in eedeysanaha haatan uu ku jiro gacanta hay’adaha ammaanka, iyadoo baaritaannada la xiriira kiiska ay weli socdaan. Booliiska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in marka baaritaannada la soo gabagabeeyo, eedeysanaha loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si loo marsiiyo habraaca sharciga. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay…

Read More

Hay’adaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle, oo 42 jir ah, kaas oo dowladda Mareykanka ku eedeysay inuu ka mid ahaa maskaxdii ka dambeysay musuq-maasuqii weynaa ee loo yaqaanay Feeding Our Future. Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in Cabdikariim lagu qabtay magaalada Muqdisho 25-kii Juun 2026, kadib muddo uu baxsad ku ahaa. Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay inuu ka cararay dalka si uu uga fogaado maxkamadeynta. Sida ku cad dacwadda, Cabdikariim wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha hay’addii Feeding Our Future, halkaas oo lagu eedeeyay inuu laaluush iyo lacagaha dib-u-celinta ka qaadan jiray dad doonayay in loo ansixiyo xarumo si…

Read More