LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sacdiyo Bajaaj oo la sheegay inay ka soontay cuntada & Xaaladeeda caafimaad oo…

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Sacdiyo Macallin Cali, oo si weyn loogu yaqaano Sacdiyo Bajaaj, ay bilowday inay ka soonto cuntada lagu siiyo xabsiga ay ku xiran tahay.

Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, Sacdiyo ayaa la sheegay inay tallaabadan u qaaday cabsi ay ka qabto in cuntada loo geysto waxyeello ama sun loogu daro. Wararkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo hore loogu soo warramay dhacdooyin sumeyn la xiriiray oo ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho, inkastoo aan la xaqiijin wax xiriir ah oo ka dhexeeya dhacdooyinkaas iyo xaaladda hadda jirta.

Dhanka kale, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 25-kii bishaan Sacdiyo Bajaaj ku xukuntay 3 sano oo xabsi ah, kadib markii ay sheegtay inay ku heshay eedeymo ay ka mid yihiin kicin dadweyne, abaabul bannaanbaxyo aan la fasaxin oo ka dhan ah dowladda iyo aflagaadeyn madaxda dalka.

Sacdiyo ayaa xirneyd in ka badan 70 maalmood kahor inta aan xukunka lagu ridin. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka xabsiga ama hay’adaha dowladda oo xaqiijinaya in ay ka soontay cuntada.

Sacdiyo ayaa ah hooyo heysata canug yar iyadoo xadgudubyada iyo xukun lagu riday ay si weyn u cambaareeyeen hay’adaha u dooda xuquuda aadanaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *