Ciidanka Xoogga Dalka oo fuliyay duqeymo culus, kuna dilay in ka badan 30 Al-Shabaab ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyay duqeymo is xigxigay oo lagu beegsaday fariisimo iyo xarumo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada Gayfo, Ruun Idiris iyo Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga, howlgalka ayaa dhacay muddo saddex maalmood ah, iyadoo duqeymihii la fuliyay 24-kii iyo 25-kii bishan lagu burburiyay xarumo ay kooxda u adeegsan jirtay qorsheynta weerarrada, goobaha tababarka iyo kaydinta hubka.
Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha lagu dilay ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka sidoo kale la burburiyay laba gaari, saddex mootooyin, hub, rasaas iyo saanad ciidan oo ay kooxda lahayd.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgaladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyadoo xustay in ciidamada iyo saaxiibada caalamku ay sii wadi doonaan weerarrada ka dhanka ah kooxda si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.










