Booliiska Gobolka Banaadir Oo Soo Qabtay Eedeysane Geystay Dil Iyo Dhaawac

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Degmada Kaaraan, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Shariif Abuukar Maxamuud, kaas oo lagu eedeeyay inuu geystay fal isugu jira dil iyo dhaawac oo ka dhacay gudaha degmadaas.
War kooban oo ay soo saareen Booliiska ayaa lagu sheegay in eedeysanaha haatan uu ku jiro gacanta hay’adaha ammaanka, iyadoo baaritaannada la xiriira kiiska ay weli socdaan.
Booliiska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in marka baaritaannada la soo gabagabeeyo, eedeysanaha loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si loo marsiiyo habraaca sharciga.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay ku xoojinayaan sugidda amniga iyo la dagaallanka dambiyada ka dhaca magaalada Muqdisho.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sanadihii ugu dambeeyay ahaa mid aad u wanaagsan iyadoo ciidamada ammaanka ay si weyn uga hortageen falalkii dilalka iyo qaraxyada si joogto ah uga dhici jiray magaalada Muqdisho.










