Author: Banaadir24

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa gacanta ku dhigay haweeney lagu magacaabo Hibo Xuseen Wardheere, oo lagu eedeeyay inay barta TikTok ku baahisay muuqaallo ay booliisku sheegeen inay ka hor imanayaan dhaqanka suubban ee Islaamka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed. Sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliiska, eedaysanadda ayaa haatan ku jirta gacanta ciidamada, waxaana ku socda baaritaan hordhac ah. Booliisku wuxuu sheegay in marka baaritaanka la soo gabagabeeyo loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo. Booliiska Caasimadda ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadaan howlgallo lagu bartilmaameedsanayo falalka ay ku tilmaameen kuwo…

Read More

Wararka laga helayo Gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nuurow iyo askar kale ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay waddada isku xirta deegaannada Ceeldoon iyo Baydhabo ee gobolka Baay, sida ay sheegeen ilo amni. Qaraxa ayaa haleelay gaari ay saarnaayeen ku dhowaad 10 askari oo ku safrayay waddadaasi, taas oo ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee ay isticmaalaan ciidamada iyo shacabka ku nool koonfur-galbeed Soomaaliya. Ilo amni ayaa sheegay in Sarkaalka lagu magacaabo Nuurow uu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa, halka askar kale oo la socotayna…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada Shacabka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso hirgelinta qorsheyaal lagu xaqiijinayo in dalku ka maarmo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, iyadoo mudnaanta la siinayo kobcinta dhaqaalaha gudaha, horumarinta wax soo-saarka iyo dhismaha hay’ado qaran oo isku filnaansho horseeda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhulka danta guud, isaga oo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay…

Read More

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda FS ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Jamhuuriyadda Türkiye, ayaa subaxnimadii maanta duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka fuliyay deegaanka Godey ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo bartilmaameedsaday godad, kayd hub iyo goobo gabbaad u ahaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab. Duqeymaha ayaa lagu dilay ku dhowaad 35 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, halka in ka badan 20 kale ay soo gaareen dhaawacyo culus. Duqeymaha kaddib, goobta la beegsaday waxaa ka dhacay qaraxyo waaweyn oo is xigxigay, kuwaas oo muujinaya inay ahayd meel loo adeegsado kaydinta hubka, walxaha…

Read More

Dagaal xooggan ayaa xalay ka dhacay degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar isku mar ah ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo ciidamada Uganda (UPDF). Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in habeenkii oo dhan la maqlayay rasaas culus iyo qaraxyo isdaba joog ah, kuwaas oo cabsi weyn ku abuuray shacabka ku nool degmada iyo nawaaxigeeda. Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo inta uu gaarsiisan yahay burburka. Jannaale ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu…

Read More

Sacuu­diga Carabiya ayaa Axaddii fuliyeay xukun dil ah oo lagu toogtay saddex muwaadin Soomaaliyeed, kadib markii lagu helay dambi ah inay dalkaasi ku soo geliyeen maandooriyaha nooca xashiishka, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi. War-saxaafadeed ay faafisay Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee SPA ayaa lagu sheegay in ragga la dilay lagu kala magacaabi jiray: Ahmed Adan Abdi Ibrahim, Ahmed Mahmoud Ismail Abdirahman, iyo Mahmoud Abdirahman Ibrahim Hassan. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in saddexda nin la qabtay kadib hawlgal amni oo lagu ogaaday shabakadda tahriibinta daroogada, waxaana kiiskooda loo gudbiyay maxkamad awood leh oo ku xukuntay dil toogasho ah.…

Read More

Dagaal xoogan ayaa weli ka socda magaalada Baydhabo, halkaas oo laba habeen oo isku xigta ay iska hor-imaadyo culus ku dhex marayaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee ay taageerto dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. Sida ay xaqiijinayaan dad deegaanka ah iyo ilo dhanka amniga ah, dagaalka ayaa dib u qarxay habeenkii  xalay, wuxuuna socday ilaa saaka, iyadoo la maqlayay rasaas culus iyo qaraxyo ka dhacayay qaybo kala duwan oo magaalada ah. Goobjoogayaal ayaa sheegay in xaaladdu aad u kacsan tahay, islamarkaana rasaas joogto ah laga maqlayay xaafado kala duwan, taas oo…

Read More

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta soo xiray shir dib-u-heshiisiineed oo loo qabtay beelo walaalo ah oo muddo dheer ay ka dhex taagneyd colaad sokeeye, taas oo saameyn taban ku yeelatay amniga iyo wada-noolaanshaha bulshada deegaannada Waqooyiga Gobolka Galgaduud. Agaasime Mahad Salaad ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda xiritaanka Gogosha Dib-u-heshiisiinta, waxa uu ku adkeeyay qeybaha kala duwan ee dhaqanka muhiimadda ay leedahay ilaalinta heshiiska la gaaray, isagoo faray hay’adaha amniga inay si waafaqsan sharciga tallaabo uga qaadaan cid kasta oo ku kacda falal lid ku ah qodobbada heshiiska…

Read More

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay masaafurintii dhawaan looga soo celiyay dalka Kenya, isagoo si cad u beeniyay eedeymihii ay dowladda Kenya u jeedisay ee la xiriiray arrimo amni. Mas’uulka ayaa sheegay in dhammaan eedeymaha loo jeediyay ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn, isla markaana aysan jirin wax caddeyn ah oo lagu taageerayo. Wuxuu carrabka ku adkeeyay inuusan waligiis ku lug yeelan falal wax u dhimaya amniga, madaxbannaanida ama xasilloonida dalalka Kenya iyo Soomaaliya. Dhanka kale, ilo madax-bannaan oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa ku adkeysanaya in dhacdada ay…

Read More

Horjooge Idiris Maxamed Sh. Maxamed ( Cabaas, Abuu Maxamed) ayaa lagu eedeeyey kamid ahaanshiyaha argagixisada & inuu qeyb ka ahaa Shirqoolo loo maleegay Umaddaan Muslimka ah ee Soomaaliyeed, tan iyo soo ifbixii Khawaarijta oo uu kasoo noqday Horjoogaha Degmooyinka Diinsoor, Berdaale, Baydhabo iyo Gobolka Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu Xubin ka ahaa Golaha Shuurada ee Argagixisada. Hay’addaha Amniga Soomaaliya oo la socday Dhaq-dhaqaaqyada Idiris, ayaa u soo gacan galay, xilli uu isaga gudbi rabay Gobolada dhexe iyo Koonfurta dalka, waxaana laga soo qabtay Deeganka Mareer-guur ee Hoostaga Degmadda Dhuusa-mareeb, Labaatan iyo Sideedii bishii July 2024. Baaris…

Read More