Ciidamo wata hub culus oo ku biiray ciidanka Laftagareen & Xiisadda Baydhabo oo…

Ciidamo ka socda degmada Wanlaweyn oo uu hoggaaminayo Taliyaha Saldhigga Booliiska degmadaas, Xasan Ubaay, ayaa Sabtidii si rasmi ah ugu biiray ciidamada taageersan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), kuwaas oo ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiin iyo ilo deegaanka ah, ciidamada ayaa gaaray fariisimaha iyagoo wata hub culus iyo gaadiid ciidan, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dhinaca taageersan Lafta Gareen.
Mas’uuliyiinta u hadlay maamulka Lafta Gareen ayaa sheegay in ciidamadaasi ay muujiyeen daacadnimo iyo taageero ay u hayaan hoggaanka Koonfur Galbeed, xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed iyo kan amni ee ka dhex aloosan dhinacyada ku loollamaya maamulka gobolka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada la geeyay fariisimo ku yaalla bannaanka Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo kale oo taageersan Madaxweyne Lafta Gareen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen gaadiid ciidan iyo askar hubeysan oo soo gaaraya xeryaha ciidamada, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin tirada saxda ah ee ciidamada ku biiray.
Taageerayaasha Madaxweyne Lafta Gareen ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid xoojinaysa awoodda ciidan iyo tan siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo xiisadda la xiriirta hoggaanka maamulkaasi ay weli sii socoto.









