LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: Xasan Sheekh oo Magacaabay Taliyaha Ururka 17-aad Ciidanka Xoogga Dalka ee Boosaaso

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay G/le Dhexe Cabdullaahi Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) inuu noqdo Taliyaha Ururka 17-aad ee Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad wareegtooyin soo baxay 22-kii Juun 2026 oo ay heshay Banaadir24 Online.

Wareegtada diiwaangelinta oo summaddeedu tahay HGWG/XDS/062/26 iyo wareegtada magacaabista oo summaddeedu tahay TIX/XTC/XDS/0338/26 ayaa lagu sheegay in Ururka 17-aad uu saldhiggiisu noqon doono magaalada Boosaaso, isla markaana uu si toos ah uga amar qaadan doono Dowladda Federaalka, isagoo ka madax-bannaan Qeybta 54-aad.

G/le Dhexe Cabdullaahi Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), oo haysta lambarka diiwaangelinta X/76713, ayaa sidoo kale la sheegay inuu yahay walaalka Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Asad Diyaano.

Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan isbeddello dhanka qaab-dhismeedka ciidamada ah, iyadoo wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in dib-u-habeyn lagu sameeyay qaabka ay u kala amar qaadanayaan qaar ka mid ah cutubyada ciidamada. Dowladda Federaalka weli si rasmi ah ugama hadlin faahfaahinta doodaha siyaasadeed ee la xiriira isbeddelladan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *