Laftagareen oo ku dhawaaqay inaysan jirin wax qorshe dib u heshiisiin ah oo ka jira Koonfur Galbeed

Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray maanta 27-da Juun 2026, si adag ugu beeniyay warar dhowaanahan lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in deegaanka uu ka socdo ama la qorsheeyay barnaamij la xiriira dib-u-heshiisiin.
Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qoraalkeeda ku caddeysay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana loogu talagalay in lagu jahawareeriyo bulshada, lagu wiiqo kalsoonida hay’adaha dowladda, lagana abuuro xog marin-habaabin ah oo aan ka tarjumayn xaqiiqada dhabta ah ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Sidaa darteed, Xafiiska Madaxweynaha ayaa shacabka iyo isticmaalayaasha baraha bulshada ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, soona xaqiijiyaan xog kasta ka hor inta aysan sii faafin, iyadoo la faray inay ku kalsoonaadaan oo keliya xogta rasmiga ah ee ka soo baxda xafiisyada dowladda goboleedka Koonfur Galbeed ee ay khuseyso arrintan.










