Author: Banaadir24

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran u soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, Wasiiro ka tirean Galmudug, Dhallinyaro iyo odayaasha dhaqanka. Safarka taliyaha ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasillinta iyo nabadeynta deegaannadaas. Inta uu Taliyaha ku sugan yahay degmada Guriceel, wuxuu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta maamulka degmada, qaar ka mid ah Bulshada rayidka ah iyo laamaha amniga si loo dardar geliyo qorsheyaasha lagu sugayo anniga iyo xoojinta wadashaqeynta hay’adaha amniga…

Read More

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ilaa saq dhexe ka socday qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo, gaar ahaan xaafadaha Warshida Xasay iyo Al-Faras, halkaas oo xaaladdu si weyn u kacsaneyd kadib iska horimaad xooggan oo u dhexeeyay laba dhinac oo hubeysan. Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo taageero ka helaya dowladda federaalka, iyo ciidamo la sheegay inay la safan yihiin hoggaamiyihii hore ee maamulkaas Cabdicasiis Lafta-Gareen. Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee dhinacyada dagaallamay. Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in…

Read More

Waxaa habeenimadii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan qarax xooggan oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay kaas oo lala beegsaday bar kontorool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay qaybta bari ee magaalada, waxaana la rumeysan yahay in uu fuliyay ururka Al-Shabaab, oo muddo dheer dagaal kula jira dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada huwanta ah. Weerarka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada ku sugnaa goobta, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka…

Read More

Wararka laga helayo Nairobi ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay dalka ka masaafurisay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo hore u soo noqday ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed. Sida lagu sheegay xogta la baahiyay, mas’uuliyiinta Kenya ayaa ku eedeeyay Jibriil inuu watay dukumentiyo Kenyan ah oo la sheegay in si sharci-darro ah lagu helay, taasoo sababtay in laga saaro dalka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mas’uuliyiinta Kenya ay ku tuhunsan yihiin inuu ku lug lahaa qorshayaal lagu carqaladeynayo amniga deegaannada xuduudda la wadaago Soomaaliya iyo Kenya. Eedeymaha waxaa ka mid ah in hub loo qaaday deegaan ku…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa xaqiijinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay galabta halkaas ka dejisay Taliye Jimcaale Jaamac Samatar, oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, Taliye Jimcaale ayaa la filayaa inuu u gudbo magaalada Garowe si uu ula wareego hoggaanka cutubyo ciidan oo Dowladda Federaalka ay sheegtay inay si toos ah uga amar qaataan, kuwaas oo ku sugan deegaannada duleedka Garowe. Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee maamulka SSC-Khaatumo ay doonayaan in safarka taliyaha loo maareeyo si hoose, iyadoo si weyn loo qarinayo…

Read More

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Hirshabeelle ayaa sii xoogeysatay, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay socdeen wada-tashiyo iyo kulamo siyaasadeed oo la xiriira hoggaanka mustaqbalka maamulkaasi iyo jihada Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ka hor doorashooyinka soo socda ee dowlad-goboleedka. Ilo siyaasadeed oo xog-ogaal u ah wada-hadallada socda ayaa sheegaya in ay soo baxeen kala aragti duwanaansho u dhexeeya qaar ka mid ah madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), gaar ahaan arrimaha ku saabsan istaraatiijiyadda xisbiga iyo cidda matali doonta JSP ee tartanka hoggaanka maamulka. Sida ay sheegayaan ilo ku dhow wada-tashiyada, doodaha ayaa…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay. Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Itoobiya ayaa daaran xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha amniga, xasilloonida gobolka iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa kulan la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Ahmed, iyagoo ka wada hadli-doona xoojinta iskaashiga labada dal, gaar…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa darajada Gaashaanle Dhexe u dallacsiiyay Taliyaha Cutubka Ciidanka Gaarka ah ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab XDS, Axmed Amiin. Dallacaaddan ayaa lagu sheegay mid lagu aqoonsanayo kaalintii iyo hoggaamintii uu Sarkaalkaasi ka qaatay hawlgalladii militari ee ciidamada dowladda ay ka fuliyeen deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab. Axmed Amiin ayaa si gaar ah loogu xusuustaa doorkii uu ku lahaa gulufyadii dagaal ee sababay in Al-Shabaab laga saaro deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ka tirsan gobollada dalka.…

Read More

Warqad kasoo baxday Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta ee Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna taariikhaysan 25-ka Juun, ayaa muujirneysa in Madaxtooyada Soomaaliya ay amartay in hub iyo rasaas loogu talagalay cutubyo ciidan oo ku sugan deegaannada Puntland loo wareejiyo magaalada Dhuusamareeb. Sida lagu sheegay xogta la baahiyay, Hay’adda NISA oo maamusha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa la ogeysiiyay rarista hubkan, kaas oo la sheegay in laga qaaday bakhaarada hubka ee dowladda Federaalka. Hubka la sheegay in la raray waxaa ku jira: 30 sanduuq oo rasaasta AK-47 ah, 50 sanduuq oo rasaasta G3, 25 sanduuq oo rasaasta BKM, 5 sanduuq oo…

Read More

Sheekh Soomow oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay kiiska Sacdiyo Bajaaj iyo hadallada Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Sheekhu wuxuu sheegay in xarigga Sacdiyo Bajaaj uu yahay mid aan waafaqsanayn shareecada Islaamka, isagoo ku dooday in aan qof lagu xirin karin aragtidiisa ama fikirkiisa. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo. Dhanka kale, Sheekh Soomow ayaa eedeyn culus u jeediyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, isagoo ku andacooday in wasiirku uu aflagaadeeyay siyaasiyiinta mucaaradka isla markaana uu hadallo dhiirrigelinaya rabshado jeediyay. Sida uu sheegay, wasiirka ayaa mudan in lala xisaabtamo, isla…

Read More