Wararkii ugu dambeeyay qarax qasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Beledweyne

Waxaa habeenimadii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan qarax xooggan oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay kaas oo lala beegsaday bar kontorool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay qaybta bari ee magaalada, waxaana la rumeysan yahay in uu fuliyay ururka Al-Shabaab, oo muddo dheer dagaal kula jira dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada huwanta ah.
Weerarka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada ku sugnaa goobta, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in jugta qaraxa si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada, taasoo keentay cabsi iyo jahawareer saameeyay shacabka.
Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa isla markiiba bilaabay hawlgallo baaritaan iyo amni adkeyn ah oo ka socda agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay, si loo helo xog dheeraad ah oo ku saabsan sida uu weerarku u dhacay iyo ciddii ka dambeysay.
Magaalada Beledweyne, oo ah xarunta gobolka Hiiraan, ayaa muddooyinkii dambe ammaaneeku wanaagsanaa iyadoo ay yaraadeeb weeraradii ay fulin jireen maleeshiyada Al-Shabaab kadib markii xoogagga macaawiisleyda ay si awood ah uga saareen intabadan gobolka Hiiraan.
Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha amniga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, balse waxaa la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo saacadaha soo socda.









