Dowladda Somalia oo hubkii lagu qaban lahaa Puntland ka dajisay Dhuusamareeb

Warqad kasoo baxday Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta ee Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna taariikhaysan 25-ka Juun, ayaa muujirneysa in Madaxtooyada Soomaaliya ay amartay in hub iyo rasaas loogu talagalay cutubyo ciidan oo ku sugan deegaannada Puntland loo wareejiyo magaalada Dhuusamareeb.
Sida lagu sheegay xogta la baahiyay, Hay’adda NISA oo maamusha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa la ogeysiiyay rarista hubkan, kaas oo la sheegay in laga qaaday bakhaarada hubka ee dowladda Federaalka.
Hubka la sheegay in la raray waxaa ku jira:
- 30 sanduuq oo rasaasta AK-47 ah,
- 50 sanduuq oo rasaasta G3,
- 25 sanduuq oo rasaasta BKM,
- 5 sanduuq oo rasaasta Sniper,
- 25 sanduuq oo RPG-7,
- 20 sanduuq oo DSHK,
- iyo 5 sanduuq oo B10 ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale ku doodaysa in agabkan loo qorsheeyay in lagu taageero dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo ka dhaca gudaha Puntland, iyadoo lqaybtii ugu horreysay ee hubka loogu talagalay ciidanka dowladda federaalka ee kusugan Puntland hore looga dajiyay magaalada Laascaanood.
Warqadda oo ay heshay Banaadir24 Online, ayaa lagu waxaa ku saxiixan Dhamme Cabdiraxmaan Gaacir, oo ah Madaxa Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay gacanta ku dhigto guud ahaan dalka iyadoo horey ula wareegtay maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, imikana qorsheyneysa sidii ay ula wareegi lahay Puntland Jubbaland oo ag bartilmaameedka madaxweyne Xasan Sheekh.









