LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Federaalka oo Taliye Jimcaale ka dejisay Laascaanood, dhaqdhaaqyo milatari oo Garowe…

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa xaqiijinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay galabta halkaas ka dejisay Taliye Jimcaale Jaamac Samatar, oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, Taliye Jimcaale ayaa la filayaa inuu u gudbo magaalada Garowe si uu ula wareego hoggaanka cutubyo ciidan oo Dowladda Federaalka ay sheegtay inay si toos ah uga amar qaataan, kuwaas oo ku sugan deegaannada duleedka Garowe.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee maamulka SSC-Khaatumo ay doonayaan in safarka taliyaha loo maareeyo si hoose, iyadoo si weyn loo qarinayo dhaq-dhaqaaqiisa.

Laascaanood ayaa horey u ahayd halkii uu Taliye Jimcaale kasoo amba baxay markii uu Muqdisho uga soo safray waqooyiga dalka, ka hor intii aan si rasmi ah loogu magacaabin xilka Taliyaha Qeybta 54-aad.

Dhanka kale, toddobaadkii hore ayaa isla magaalada Laascaanood laga dejiyay agabyo ciidan, kuwaas oo wararku sheegayaan in qayb ka mid ah loogu talagalay ciidamada ku sugan magaalada Garowe.

Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Puntland oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyadan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *