LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sheekh Cabduqaadir Soomow oo Dalbaday in La Xiro Wasiir Axmed Macallin Fiqi

Sheekh Soomow oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay kiiska Sacdiyo Bajaaj iyo hadallada Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Sheekhu wuxuu sheegay in xarigga Sacdiyo Bajaaj uu yahay mid aan waafaqsanayn shareecada Islaamka, isagoo ku dooday in aan qof lagu xirin karin aragtidiisa ama fikirkiisa. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo.

Dhanka kale, Sheekh Soomow ayaa eedeyn culus u jeediyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, isagoo ku andacooday in wasiirku uu aflagaadeeyay siyaasiyiinta mucaaradka isla markaana uu hadallo dhiirrigelinaya rabshado jeediyay. Sida uu sheegay, wasiirka ayaa mudan in lala xisaabtamo, isla markaana la xiro haddii lagu helo eedahaas.

Sheekhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Wasiirka Gaashaandhigga inuu ku baaqay in la dilo shaqsiyaad uu ka mid yahay taliyihii hore ee NISA, Sanbaloolshe, iyo mas’uuliyiin kale oo mucaaradka ka tirsan.

Hadalladan ayaa imanaya iyadoo dood adag ay ka taagan tahay xorriyadda hadalka, xarigga Sacdiyo Bajaaj iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *