Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u soo saaray jadwalka habraaca doorashada Dowlad-Goboleedka Galmudug, taas oo loo qorsheeyey in ay qabsoonto bishan July ee sannadka 2026. Sida ku cad dukumentiga rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, hannaanka doorashada ayaa soo mari doona siddeed (8) marxaladood oo muhiim ah, iyada oo maalinta codaynta guud ay ku beegan tahay 20-ka July, 2026. Hoos ka eeg jadwalka iyo habraaca ay guddigu u mudeeyeen shaqooyinka horyaalla: Jadwalka iyo Marxaladaha Doorashada Galmudug: 02/07/2026: Shaacinta Liiska hordhaca ah ee codbixiyayaasha. 10/07/2026: Asteynta iyo Shaacinta Goobaha Codbixinta. 10/07/2026: Soogudbinta Liiska Murashaxiinta.…
Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerarro qaraxyo ah ka fuliyeen laba goobood oo kala duwan oo ka tirsan magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda. Weerarka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey oo ku yaalla duleedka Baydhabo, halkaas oo qarax lala beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda. Ilo amni ayaa sheegay in weerarka uu sababay khasaare soo gaaray ciidamada, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada dhimashada iyo dhaawaca. Dhanka kale, weerar labaad ayaa ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo, kadib markii qarax lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka dowladda. Faahfaahinta khasaaraha…
Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabada lagu sheegay in Safaarad Somaliland ay ka furtay magaalada Quddus, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid ka hor imanaysa Dastuurka Somaliland iyo shuruucda caalamiga ah. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Kaah, Amb. Barkhad Kaariye, ayaa sheegay in xisbigu u arko furitaanka safaaradda Quddus inuu yahay arrin si toos ah u taabanaysa qaddiyad diimeed oo Muslimiinta caalamku ay mowqif mideysan ka leeyihiin. “Xisbiga Kaah wuxuu u arkaa Safaaradda laga furay Quddus arrin taabanaysa qaddiyad diimeed oo Muslimiinta dunidu ka midaysan tahay. Waxay ka horjeeddaa Dastuurka JSL, gaar ahaan qodobka 10-aad,…
Hay’adda International Crisis Group (ICG) ayaa warbixin cusub ku sheegtay in dagaalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu galay marxalad adag oo aan dhinacna guul muuqata ka gaarin, iyadoo kooxda Al-Shabaab dib ula wareegtay inta badan dhulalkii laga qabsaday bartamaha dalka. Warbixinta ayaa xustay in intii u dhexeysay 2022 illaa 2023, ciidamada dowladda oo garabsanaya maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisley ay guulo waaweyn ka gaareen gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaddib kacdoonkii beesha Hawadle. Si kastaba ha ahaatee, ICG waxay sheegtay in dowladda ay ku guuldarreysatay inay dhulkaasi si waarta u sugto, taasoo keentay in Al-Shabaab ay dib u…
Warbixin cusub oo ay baahisay warbaahinta Al-Mayadeen, iyadoo soo xiganeysa ilo istiraatiiji ah oo gobolka ka tirsan, ayaa sheegtay in shixnad miisaankeedu gaarayo ku dhowaad 1,000 kiiloogaraam oo la sheegay inay ka timid Tel Aviv ay soo martay Nairobi ka hor inta aysan 21-kii Juun soo gaarin magaalada Muqdisho. Sida warbixintu sheegtay, shixnadda ayaa loo diiwaangeliyay inay ku socotay xafiis ay Qaramada Midoobay ku leedahay Muqdisho, hase yeeshee ilahaasi waxay ku andacoodeen inay xambaarsaneyd nidaam isgaarsiin casri ah oo loogu talagalay adeegsi milatari iyo sirdoon. Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in qalabkaasi ay bixiysay shirkad lagu magacaabo Mer Security and…
Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo bandhigay awooddooda ciidan oo samaysay horumar iyo koboc weyn sanadihii dambe, taas oo ku timid tababar joogto ah iyo qalabayn casri ah oo lagu sameeyey. Dhammaan nuucyada ciidanka sida Militariga, Boliiska iyo Asluubta intaba waxaa ka muuqday awood iyo xirfad sarreysa, iyagoo soo bandhigay cutubyo si gooni u tababaran kuna qalabaysan Teknolojiyadda casriga ah ee maanta ciidamadu isticmaalaan. Ciidanka cirka ayaa iyaguna ka qaybgalay dabaaldegga 66-sano guurada xorriyadda dalka? iyagoo ku qalabaysan diyaarado dagaal oo kala duwan. Dhammaan arrimahaasi waxa ay muujinayaan sida uu u soo kabanayo dalkeenna.
Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo dhexmaray Ciidamada Xoogga Dalka iyo Al-Shabaab kadib markii…
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo kooxda Al-Shabaab ay xalay ku qaaday saldhig militari oo ku yaalla deegaanka Golweyn ee u dhow Buulo Mareer, gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Uganda. Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarku uu billowday fiidkii dambe ee Talaadada, markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay si xooggan u weerareen saldhigga ku yaalla Golweyn oo ah goob istaraatiiji ah oo ku taal waddada isku xirta Muqdisho iyo degmooyinka muhiimka ah ee ay dowladdu maamusho. Goob-joogayaal ayaa sheegay in la maqlayay rasaas culus, qaraxyo iyo israsaaseyn socotay saacado…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku asteysan xorriyaddii Gobolada Koonfureed ee dalka iyo midowgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha weyn u leh qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xusay in 1-da Luulyo ay tahay maalin ka tarjumeysa halgankii dheeraa ee ay halyeeyadii Soomaaliyeed u soo galeen xorriyadda iyo dowladnimada. Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkooda qaran ayaa si sharaf iyo maamuus leh u saaray Calanka Jamhuuriyadda, markii ay goor sheegtadu ku beegneyd…
Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaaladda amni ay weli kacsan tahay, iyadoo warar cusub ay tilmaamayaan in qaar ka mid ah ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay ka baxeen fariisimihii ay ku sugnaayeen duleedka magaalada. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in tallaabadan ay timid kaddib markii ciidamadaasi ay la kulmeen weerarro culus oo isdaba joog ah oo la sheegay inay uga imaanayeen ciidamada daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Weerarada ayaa la sheegay inay inta badan dhici jireen xilliyada habeenkii, iyadoo loo adeegsanayay xeeladda “ku dhufo oo ka dhaqaaq”,…
Warar laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xakay ay cirka isku shareertay xiisad ka dhex taagan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, iyadoo la soo weriyay in muran xooggan uu dhex maray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Aadan Madoobe, iyo qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamada kala duwan ee maamulka. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in muranka uu gaaray heer gacan ka hadal, iyadoo Aadan Madoobe lagu warramay inuu canaan kulul u jeediyay saraakiil uu ka shakiyay daacadnimadooda. Sidoo kale, wararka ayaa tilmaamaya in magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin ciidamo la sheegay inay ka amar qaataan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), taasoo sii…