LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Laftagareen iyo kuwa dowladda federaalka oo ka…

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ilaa saq dhexe ka socday qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo, gaar ahaan xaafadaha Warshida Xasay iyo Al-Faras, halkaas oo xaaladdu si weyn u kacsaneyd kadib iska horimaad xooggan oo u dhexeeyay laba dhinac oo hubeysan.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo taageero ka helaya dowladda federaalka, iyo ciidamo la sheegay inay la safan yihiin hoggaamiyihii hore ee maamulkaas Cabdicasiis Lafta-Gareen. Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee dhinacyada dagaallamay.

Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in rasaas culus, qaraxyo iyo hubka noocyadiisa kala duwan laga maqlayay qeybo badan oo magaalada ah, taas oo sababtay in dadka rayidka ah ay ku jiraan cabsi iyo barakac degdeg ah.

Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu murugada badan ayaa lagu sheegay in RPG ku dhacay guri ay deganaayeen qoys rayid ah, taasoo keentay in hooyo iyo ilmo yar ay ku dhaawacmaan. Labadooda ayaa loola cararay xarumo caafimaad, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin xaaladdooda caafimaad.

Xaaladda magaalada ayaa saaka degganeyn, waxaana weli laga dareemayaa xiisad iyo dhaq-dhaqaaq ciidan oo xooggan, iyadoo shacabka ay ka cabsi qabaan in dagaalku uu mar kale dib u qarxo.

Mas’uuliyiinta deegaanka weli kama aysan hadlin mana bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *