LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Darajo Sare ku Maamuusay Sarkaalkii Hormuudka u ahaa Dagaalladii Al-Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa darajada Gaashaanle Dhexe u dallacsiiyay Taliyaha Cutubka Ciidanka Gaarka ah ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab XDS, Axmed Amiin.

Dallacaaddan ayaa lagu sheegay mid lagu aqoonsanayo kaalintii iyo hoggaamintii uu Sarkaalkaasi ka qaatay hawlgalladii militari ee ciidamada dowladda ay ka fuliyeen deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab. Axmed Amiin ayaa si gaar ah loogu xusuustaa doorkii uu ku lahaa gulufyadii dagaal ee sababay in Al-Shabaab laga saaro deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ka tirsan gobollada dalka.

Mudadii uu hoggaaminayay cutubkiisa, Axmed Amiin ayaa lagu tilmaamay sarkaal si dhow uga qayb qaatay abaabulka iyo hoggaaminta ciidamada Kumaandooska Danab, isagoo door muuqda ka qaatay hawlgallada lagu xaqiijinayay amniga iyo dib u soo celinta deegaannadii ay kooxdaasi maamuli jirtay.

Dallacaadda Madaxweynaha ayaa loo arkaa mid muujinaysa qiimaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso saraakiisha iyo ciidamada ka soo hooyay guulo la taaban karo furimaha dagaalka, isla markaana dhiirrigelin u ah ciidamada kale ee ku sugan jiidaha hore ee la dagaallanka Al-Shabaab.

Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa ka mid ah cutubyada sida joogtada ah uga qayb qaata hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana dowladda Soomaaliya ay marar badan ku ammaantay doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada iyo adkeynta amniga dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *