Xasaasi: Khilaaf ka dhex qarxay Villa Somalia iyo Guudlaawe oo la xiriira kursiga Hirshabeelle

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Hirshabeelle ayaa sii xoogeysatay, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay socdeen wada-tashiyo iyo kulamo siyaasadeed oo la xiriira hoggaanka mustaqbalka maamulkaasi iyo jihada Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ka hor doorashooyinka soo socda ee dowlad-goboleedka.
Ilo siyaasadeed oo xog-ogaal u ah wada-hadallada socda ayaa sheegaya in ay soo baxeen kala aragti duwanaansho u dhexeeya qaar ka mid ah madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), gaar ahaan arrimaha ku saabsan istaraatiijiyadda xisbiga iyo cidda matali doonta JSP ee tartanka hoggaanka maamulka.
Sida ay sheegayaan ilo ku dhow wada-tashiyada, doodaha ayaa si weyn diiradda u saaray qaabka loo dhisayo hoggaanka xisbiga ee Hirshabeelle iyo musharraxiinta loo diyaarinayo xilalka ugu sarreeya ee maamulka.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in miiska wada-hadallada la soo dhigay suurtagalnimada in Madaxweynaha xiga ee Hirshabeelle uu ka soo jeedo beel ka tirsan gobolka Hiiraan, arrintaas oo lagu sheegay inay qeyb ka tahay dadaallo lagu doonayo isku dheelitirka siyaasadda, matalaadda labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyo ilaalinta nidaamka awood-qaybsiga ee maamulka.
Ilo kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Guudlaawe uu doonayo dammaanad siyaasadeed oo ku saabsan doorkiisa mustaqbalka, haddii ay dhacdo isbeddel ku yimaada hoggaanka maamulka, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay qaabka loo qaybsan karo xilalka muhiimka ah sida madaxweyne ku xigeenka.
Dadka xogta u dhuun daloola wada-hadalladan ayaa sheegay in dadaallada socda ay ujeeddadoodu tahay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo xoojiya midnimada Hirshabeelle isla markaana lagu ilaaliyo taageerada dhinacyada saamaynta ku leh siyaasadda labada gobol.









