LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

ICG oo Shaacisay in Al-Shabaab Dib Ula Wareegtay Inta Badan Dhulalkii Laga Qabsaday

Hay’adda International Crisis Group (ICG) ayaa warbixin cusub ku sheegtay in dagaalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu galay marxalad adag oo aan dhinacna guul muuqata ka gaarin, iyadoo kooxda Al-Shabaab dib ula wareegtay inta badan dhulalkii laga qabsaday bartamaha dalka.

Warbixinta ayaa xustay in intii u dhexeysay 2022 illaa 2023, ciidamada dowladda oo garabsanaya maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisley ay guulo waaweyn ka gaareen gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaddib kacdoonkii beesha Hawadle. Si kastaba ha ahaatee, ICG waxay sheegtay in dowladda ay ku guuldarreysatay inay dhulkaasi si waarta u sugto, taasoo keentay in Al-Shabaab ay dib u qabsato inta badan deegaanadii laga saaray sannadkii 2025.

Warbixintu waxay tilmaantay in inkastoo ciidamada dowladda iyo taageerayaashooda caalamiga ah ay dhowaan dib u celiyeen weerarro ka dhacay deegaanno ku dhow Muqdisho, haddana dagaalku uu weli yahay mid isbedbedel badan oo aan lahayn xal militari oo dhow.

Hay’addu waxay ku boorrisay Dowladda Federaalka inay si degdeg ah u xoojiso awoodda ciidamadeeda, gaar ahaan xilligan uu Midowga Afrika qorsheynayo inuu soo afjaro howlgalka taageerada amniga Soomaaliya. Waxay sidoo kale ku talisay in la hagaajiyo tababarka iyo joogtaynta ciidamada cusub, lana maalgeliyo ciidamada dowlad-goboleedyada si ay u ilaaliyaan dhulka laga xoreeyo Al-Shabaab.

Dhanka kale, International Crisis Group waxay ku talisay in dowladda aysan ku koobnaan dagaalka oo keliya, balse ay raadiso xalal kale oo ay ka mid yihiin fududeynta gargaarka bani’aadamnimo ee gaara deegaannada ay Al-Shabaab maamusho, isla markaana la sii wado dadaallada lagu raadinayo wada-hadal siyaasadeed haddii ay soo baxaan fursado ku habboon.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in dowladda ay wajahday caqabado siyaasadeed oo gudaha ah, khilaafyo kala dhexeeyay dowlad-goboleedyada, iyo xiisaddii ka dhalatay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee 2024, kuwaas oo dhammaantood saameeyay ololihii militari ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *