Qaraxyo ka dhacay gobolka Baay iyo Wararkii ugu dambeeyay

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerarro qaraxyo ah ka fuliyeen laba goobood oo kala duwan oo ka tirsan magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda.
Weerarka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey oo ku yaalla duleedka Baydhabo, halkaas oo qarax lala beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda. Ilo amni ayaa sheegay in weerarka uu sababay khasaare soo gaaray ciidamada, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada dhimashada iyo dhaawaca.
Dhanka kale, weerar labaad ayaa ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo, kadib markii qarax lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka dowladda. Faahfaahinta khasaaraha ka dhashay weerarkan ayaan weli caddayn, iyadoo la sugayo xog rasmi ah oo ka soo baxda hay’adaha amniga.
Labadan weerar ayaa mar kale muujinaya xaaladda amni ee weli cakiran ee gobolka Baay, halkaas oo ay si joogto ah uga socdaan iska horimaadyo iyo weerarro u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
Xaaladda ammaan ee Gobolka Baay ayaa muddoyinkaan dambe liidatay iyadoo si joogto ah ay uga dhacaan isku dhacdyo dhexmara maleeshiyada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.









