LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xisbiga Kaah ee Somaliland oo kahor yimid Safaaradda laga furay Qudus

Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabada lagu sheegay in Safaarad Somaliland ay ka furtay magaalada Quddus, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid ka hor imanaysa Dastuurka Somaliland iyo shuruucda caalamiga ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Kaah, Amb. Barkhad Kaariye, ayaa sheegay in xisbigu u arko furitaanka safaaradda Quddus inuu yahay arrin si toos ah u taabanaysa qaddiyad diimeed oo Muslimiinta caalamku ay mowqif mideysan ka leeyihiin.

“Xisbiga Kaah wuxuu u arkaa Safaaradda laga furay Quddus arrin taabanaysa qaddiyad diimeed oo Muslimiinta dunidu ka midaysan tahay. Waxay ka horjeeddaa Dastuurka JSL, gaar ahaan qodobka 10-aad, iyo xeerarka caalamiga ah,” ayuu yiri Amb. Barkhad Kaariye.

Xisbiga Kaah ayaa ugu baaqay madaxda Somaliland inay dib u eegaan tallaabadan, isagoo ku dooday in go’aannada noocan oo kale ah ay saameyn ku yeelan karaan sumcadda iyo xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland.

Tallaabada Somaliland ay safaaradda uga furatay magaalada Qudus ee dhulka reer Falastiin ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay guud ahaan wadamada caalamka oo si wadajir uga soo wada horjeestaan islamarkaana baaq mideysan kasoo saaray.

Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay oo Somaliland u aqoonsada dal madax banaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *