Xiisad sababtay gacan-kahadal oo ka dhex qaraxday Aadan Madoobe iyo saraakiisha ciidanka Koonfur Galbeed

Warar laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xakay ay cirka isku shareertay xiisad ka dhex taagan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, iyadoo la soo weriyay in muran xooggan uu dhex maray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Aadan Madoobe, iyo qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamada kala duwan ee maamulka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in muranka uu gaaray heer gacan ka hadal, iyadoo Aadan Madoobe lagu warramay inuu canaan kulul u jeediyay saraakiil uu ka shakiyay daacadnimadooda. Sidoo kale, wararka ayaa tilmaamaya in magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin ciidamo la sheegay inay ka amar qaataan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo xaaladda amni iyo siyaasadeed.
Arrintaan ayaa imaaneysa iyadoo muddooyinkaan dambe ay sii kordhayeen ciidamada iyo saraakiisha ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee u goosanaya dhanka ciidamada maamulkii hore ee Koonfur Galbeed ee fariisimaha ku leh duleedka magaalada Baydhabo.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ama saraakiisha ay arrintan quseyso oo ku saabsan gacan kahadalka xalay ka shacay madaxtooyada Koonfur Galbeed.









