Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo dhexmaray Ciidamada Xoogga Dalka iyo Al-Shabaab kadib markii…

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo kooxda Al-Shabaab ay xalay ku qaaday saldhig militari oo ku yaalla deegaanka Golweyn ee u dhow Buulo Mareer, gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Uganda.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarku uu billowday fiidkii dambe ee Talaadada, markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay si xooggan u weerareen saldhigga ku yaalla Golweyn oo ah goob istaraatiiji ah oo ku taal waddada isku xirta Muqdisho iyo degmooyinka muhiimka ah ee ay dowladdu maamusho.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in la maqlayay rasaas culus, qaraxyo iyo israsaaseyn socotay saacado badan, iyadoo dagaalku uu sii socday ilaa waaberigii hore ee saaka.
Ilo amni ayaa xaqiijiyay in saldhigga ay wada deggan yihiin ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Uganda ee ka tirsan howlgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Illaa hadda lama shaacin tirada khasaaraha ka dhashay weerarka, mana jiraan war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ama taliska ciidamada Uganda.
Weerarkan ayaa mar kale muujinaya halista amni ee ka jirta gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaannada ku teedsan waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo gobollada koonfureed.









