Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Farxaan Cali Xirsi (Xaad), ayaa si adag uga falceliyay hadalladii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ee ku saabsanaa qorista ciidamo laga diiwaangelinayo Puntland. Wasiir Xaad ayaa sheegay in hadallada Xamse ay yihiin kuwo “la soo minguuriyey,” isagoo ku dooday in “laxanka iyo mirohoodaba ay qolo kale lahaayeen,” islamarkaana aysan ka tarjumayn xaqiiqda dhabta ah ee Puntland. Wuxuu ku tilmaamay inay tahay nasiib-darro in Xamse isku dayo inuu shacabka Puntland ka dhaadhiciyo inuu yahay mas’uul matala danahooda, isagoo su’aal geliyay kaalintii uu ku lahaa dagaalladii Puntland kula jirtay kooxaha argagixisada. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Puntland…
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay,sidoo kalena lagu soo dhaweeyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Aadan (Cumar Abdulkadir Cartan), ayaa lagu qabtay xarunta ganacsiga ee BBS Mall ee magaalada Nairobi, iyadoo ay ka soo qaybgaleen kumannaan qof oo isugu jiray bulshada Soomaaliyeed, ganacsatada Islii iyo marti sharaf kale. Munaasabadda ayaa ahayd mid lagu muujinayay taageero iyo garab istaag loo fidiyay garsoore Cartan, iyadoo lagu bogaadiyay doorkiisa taariikhiga ah ee uu ku mutaystay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah,ee loo xusho inuu ka garsooro tartanka Koobka Adduunka ee FIFA, arrintaas oo loo arko guul weyn…
Warqad rasmi ah oo la sheegay inay ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa muujineysa amar lagu farayo Taliska Taakuleynta Ciidanka XDS inuu hub, rasaas iyo agab ciidan ku qalabeeyo ciidamo lagu sheegay Ciidanka Dhiboowga ee ku sugan Dugsiga Tababarka Xanan Buure ee Galmudug. Sida ku xusan warqadda, ciidamadaasi ayaa loo qorsheeyay in la siiyo 4,500 qori AK-47, 60 qori BKM, 10 qori RPG-7, 30 qori DShK, 50 qori Sniper, 20 qori Jabshe, 10 Hoobiye 82mm, 20 Hoobiye 60mm iyo 500 bam-gacmeed oo nooca F1 ah. Waxaa sidoo kale lagu lifaaqay boqolaal sanduuq oo rasaas ah iyo…
Sida lagu sheegay warbixinta uu daabacay wargeyska Le Monde, mashruucan ayaa isku daraya saldhig laga rido dayax-gacmeedyada oo qeyb ka noqonaya barnaamijka hawada sare ee Turkiga iyo xarun lagu tijaabiyo gantaallada ballistic-ga ee riddada dheer. Mashruucan, oo si rasmi ah loogu dhawaaqay bishii Diseembar 2025 inuu yahay iskaashi dhinaca tiknoolajiyadda ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa warbixintu ku tilmaantay wejigii ugu muhiimsanaa ee mashruuc muddo toban sano ah socday, kaasoo looga gol leeyahay in Soomaaliya laga dhigo saldhig istaraatiiji ah oo Turkigu ka fuliyo howlgalladiisa. Le Monde wuxuu sheegay in dhismaha xaruntan uu yahay gunaanadka 15 sano oo…
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Dowladda Talyaaniga, Mudane Matteo Piantedosi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka. Kulanka waxaa Wasiirka Amniga Gudaha ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Xasan Shire, kuwaas oo ka qeyb galay wada-hadallada iyo munaasabadda saxiixa heshiiska. Kadib wada-hadallo miro-dhal ah, labada Wasiir ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, tababarrada Ciidanka Booliska, la-dagaallanka argagixisada, horumarinta…
Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa si rasmi ah ugu wargeliyay safaaradaha iyo ergada joogtada ah ee xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC) in Mareykanku uu shaaciyay inuusan sii wadi doonin taageerada uu siiyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) marka uu dhammaado oggolaanshaha howlgalka AUSSOM 31-ka Diseembar 2026. Warqadda ayaa lagu sheegay in go’aankan uu saameyn weyn ku yeelan karo saadka, howlgalka iyo maalgelinta ciidamada AUSSOM ee ka howlgala Soomaaliya. Sababtaas awgeed, Midowga Afrika ayaa isugu yeeray shir degdeg ah oo ay ka qeybgalayaan la-taliyeyaasha militariga iyo difaaca ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka, si looga…
Ciidanka Booliiska Caasimadda ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Maxamed Axmed Maxamed, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu si ula kac ah u xiray bullaacadaha biyaha qaada ee ku yaalla waddada 21-ka Oktoobar, agagaarka Enza Home. Sida uu sheegay Booliisku, eedeysanaha ayaa bullaacadaha ku guray caagadaha 20-ka litir ah ee biyaha laga cabo, taasoo hakad gelisay qulqulka biyaha roobka, isla markaana sababtay fatahaad iyo ciriiri xooggan oo saameeyay isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala waddadaasi. Booliiska ayaa sheegay in ninkaasi uu haatan ku jiro gacanta hay’adaha ammaanka, baaritaanna uu ku socdo. Marka uu baaritaanku soo gabagaboobo ayaa loo gudbin doonaa…
Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay deegaanka Farsooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay iska horyimaadeen ciidamada Kumaandooska Danab, kuwaas oo la sheegay inay howlgal ka fuliyeen deegaanka. Sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo dhanka amniga ah, iska horimaadka ayaa billowday habeenkii Khamiista, waxaana saacado badan la maqlayay rasaas culus iyo qaraxyo, iyadoo Al-Shabaab ay iska caabin xooggan kala hortagtay ciidamada howlgalka waday balse markii dambe u babac dhigi waayay awoodda ciidanka Danab iyagoo goobta ka firxaday sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Danab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu ahaa mid ka mid ah…
Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u dhaliilay khudbadihii ay munaasabadda Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya ka jeediyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isagoo ku tilmaamay kuwo ka leexday ujeeddadii maalinta qaran. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay inuu aad uga naxay khudbadaha labada mas’uul, isagoo xusay in munaasabadda 1-da Luulyo ay ahayd in diiradda lagu saaro midnimada ummadda, xoojinta himilooyinka qaranka, iyo xuska halyeeyadii u soo halgamay xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya, halkii laga gelin lahaa loollan siyaasadeed iyo weerarro lagu beegsanayo dadka dhaliila dowladda. Siyaasigu wuxuu sidoo kale…
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa gurmad u fidisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyey dalka Liibiya, kuwaas oo muddo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalkaas, isla markaana la kulmay dhibaatooyin kala duwan. Muwaadiniinta la soo celiyey oo tiradoodu gaareyso ku dhawaad 130 ruux ayaa isugu jira dhallinyaro iyo waayeel, Markii ay soo gaareen Muqdisho, waxaa la geeyey xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, halkaas oo looga sameeyey diiwaangelin iyo soo dhoweyn. Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, Liibaan Cabdi oo la hadlay muwaadiniinta soo laabtay, ayaa sheegay in loo sameenayo baaritaanno caafimaad oo lacag la’aan ah, diiwaangelinta Adeegga Aqoonsiga…