LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Koonfur Galbeed oo baneeyay difaacyadoodii & Ciidanka Laftagareen oo…

Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaaladda amni ay weli kacsan tahay, iyadoo warar cusub ay tilmaamayaan in qaar ka mid ah ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay ka baxeen fariisimihii ay ku sugnaayeen duleedka magaalada.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in tallaabadan ay timid kaddib markii ciidamadaasi ay la kulmeen weerarro culus oo isdaba joog ah oo la sheegay inay uga imaanayeen ciidamada daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Weerarada ayaa la sheegay inay inta badan dhici jireen xilliyada habeenkii, iyadoo loo adeegsanayay xeeladda “ku dhufo oo ka dhaqaaq”, taas oo cadaadis joogto ah ku haysay fariisimaha ciidamada.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli saacado ka hor ay soo baxayeen warar sheegaya inuu khilaaf xooggan ka dhex qarxay hoggaanka Koonfur Galbeed, isla markaana uu muran iyo gacan ka hadal dhex maray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Aadan Madoobe iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada, inkastoo aan weli jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya sheegashooyinkaas.

Ilaa hadda, maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee kasoo baxay fariimihii ay ka difaacayeen magaalada Baydhabo xilli ay ciidamada Laftagareen ay ku suganyihiin duleedka magaalada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *