Author: Banaadir24

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiyiin diiddan in ay ummadda Soomaaliyeed isku tagto, oo deegaannada ay joogaan dadka ku nool xabsi uga dhigay. Ra’aysuwasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabad lagu soo gabagabeynayay xuska maalmaha xorriyadda iyo midowgii labada gobol ayaa intaa ku daray in aysan dembi ahayn in Askari Soomaaliyeed ay dowladduu mushaar iyo dallacsiin siisay kadib markii ay dayaceen maamulladii mas’uulka ka ahaa. “Waxaa jira siyaasiyiin diiddan in ay ummadda Soomaaliyeed isku tagto, oo deegaannada ay joogaan dadka ku nool xabsi uga dhigay, goormee dembi noqotay in askari Soomaaliyeed, oo…

Read More

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii lagu arkay deegaannada Macaane iyo Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka wadeen dhaqdhaqaaqyo amni darro oo cabsi xooggan ku abuuray shacabka. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, maleeshiyaadka ayaa habeenkii si dhuumaaleysi ah u soo gala deegaannada, iyagoo sameeya roondooyin isla markaana dadka qaar weydiiya xog la xiriirta ciidamada dowladda iyo dadka lala xiriiriyo hay’adaha amniga. Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka mararka qaar lagu arko iyagoo wata gaari nooca Noah ah oo ku dhex maraya xaafadaha, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amniga. Wararka laga helayo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad adag oo taariikhi ah ka jeediyay munaasabaddii xiritaanka Toddobaadka Xorriyadda, isagoo shaaciyay qorshe cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isla markaana farriimo culus u diray Somaliland, Israel iyo siyaasadda dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshaha ugu dambeeya ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, isagoo ballan-qaaday in qorshahaasi si rasmi ah loogu soo bandhigi doono shacabka marka la dhameystiro. Wuxuu mar kale ugu baaqay xubnaha Al-Shabaab inay hubka dhigaan, kana faa’iideystaan cafiska dowladda. Dhanka Somaliland, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay wada-hadal, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay…

Read More

Dowladda Iswiidhan ayaa ku dhawaaqday inay sii waddo isla markaana kordhinayso taageerada ay ku bixiso dib u celinta dadka lagu xukumay masaafurinta ee loo dirayo Soomaaliya, inkastoo barnaamijkan uu wajahayo dhaleeceyn. Wasiirka Socdaalka ee Iswiidhan, Johan Forssell, ayaa sheegay in iskaashiga dowladda Soomaaliya uu horseeday koror weyn oo ku yimid tirada dembiilayaasha la masaafuriyey. “Waxaan aragnay in tirada dadka dambiyada lagu helay ee aan u suurtagelinay inaan u masaafurinno Soomaaliya ay shan jibaar korortay,” ayuu yiri wasiirku. Tan iyo markii iskaashigan la bilaabay laba sano iyo bar ka hor, Iswiidhan waxay Soomaaliya u masaafurisay 45 qof oo dambiyo lagu helay,…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu wargelisay Guddiga Midowga Afrika inay joojin doonto taageerada ay siiso Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) marka uu dhammaado muddo-xileedka Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM 31-ka Diseembar 2026. Go’aankan ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda Washington ee ku aaddan taageerada amniga Soomaaliya, iyadoo Mareykanku sheegay inuusan ka hor imaanayn kordhinta howlgalka AUSSOM, balse uusan sii maalgelin doonin UNSOS iyo taageerooyinka kale ee hawlgallada Qaramada Midoobay. Mareykanka ayaa sheegay in go’aankan uu salka ku hayo qiimeyn muujinaysa in Soomaaliya aysan weli sameyn horumar ku filan oo dhanka dib-u-habaynta ciidamada iyo la…

Read More

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo garabsanaya Ciidanka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika (AUSSOM), ayaa la sheegay inay fashiliyeen weerar culus oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Golweyn, oo hoos taga Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka ayaa la sheegay inuu ku billowday qarax ismiidaamin ah, waxaana xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamada ay si adag uga hortageen weerarka, isla markaana ay Al-Shabaab gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyagoo sidoo kale fashiliyay gaarigii ismiidaaminta ahaa…

Read More

Wasiirka Wasaradda Gaashaandhigga Axmed macalin faqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka XDS, kaas oo lagu falanqeeyay warbixino iyo aragtiyo la xiriira horumarinta, dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka XDS. Shrikaan ayaaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Taliyaashii hore Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed sida Sareeya Gaas Daahir Aade Cilmi “Indha-qarshe”” iyo Sareeye Gaas Ibraahim Sheikh Mudiiin Cadoow. Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Ciidanka XDS, iyadoo xubnaha guddigu ay Wasiirka u soo bandhigeen warbixino iyo talooyin ku saabsan xoojinta awoodda Ciidanka iyo…

Read More

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa 1-dii iyo 2-dii Luulyo 2026 fuliyay duqeymo is xig-xigay oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen malleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaannada Tawakal, Nuun Garre iyo Ugunji ee gobolka Shabeellada hoose. Duqeymahaas ayaa lagu dilay 27 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, halka labaatameeyo lagu dhaawacay. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaadiid, hub, saanad ciidan iyo fariisimo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay abaabulka iyo fulinta falalka argagixisanimo. Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar…

Read More

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga HOP#189 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo bannaanaaday kaddib markii uu kursiga baneeyay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Abuukaate Maxamed Cabdiraxmaan Aadan iyo Fardoosa Cali Axmed. Inkastoo Fardoosa Cali Axmed ay ku dhawaaqday inay u tanaasushay musharraxa ay la tartamaysay ka hor codbixinta, haddana doorashada ayaa loo maray habka gacan-taagga. Natiijada codbixinta ayaa muujisay in Abuukaate Maxamed Cabdiraxmaan Aadan uu helay 96 cod, halka Fardoosa Cali Axmed ay heshay 5 cod. Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka…

Read More

Dab xooggan ayaa ka kacay kaalin shidaal oo lagu magacaabo Opec Fuel Station, taas oo ku taalla bartamaha magaalada Boosaaso, kana soo horjeedda xaruntii hore ee Nationlink, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dabku uu si xawli ah ugu fiday saldhigga shidaalka, iyadoo ciidamada gurmadka degdegga ah ay wali ku howlan yihiin daminta dabka oo weli si buuxda loo xakameyn. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ugu yaraan hal qof oo rayid ah uu ku dhaawacmay shilka, hase yeeshee lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha guud ama waxa sababay dabka. Mas’uuliyiinta ayaa weli si…

Read More