LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyey Jadwalka Doorashada Dowlad-Goboleedka Galmudug

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u soo saaray jadwalka habraaca doorashada Dowlad-Goboleedka Galmudug, taas oo loo qorsheeyey in ay qabsoonto bishan July ee sannadka 2026.

Sida ku cad dukumentiga rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, hannaanka doorashada ayaa soo mari doona siddeed (8) marxaladood oo muhiim ah, iyada oo maalinta codaynta guud ay ku beegan tahay 20-ka July, 2026.

Hoos ka eeg jadwalka iyo habraaca ay guddigu u mudeeyeen shaqooyinka horyaalla:

Jadwalka iyo Marxaladaha Doorashada Galmudug:

 02/07/2026: Shaacinta Liiska hordhaca ah ee codbixiyayaasha.

 10/07/2026: Asteynta iyo Shaacinta Goobaha Codbixinta.

 10/07/2026: Soogudbinta Liiska Murashaxiinta.

 15/07/2026: Xallinta Cabashada Liiska Murashaxiinta.

 16/07/2026: Shaacinta Liiska Murashaxiinta.

 17/07/2026: Diiwaangelinta / Qeybinta Kaararka Codbixiyayaasha.

 17/07/2026: Shaacinta Liiska kama dambeysta ah ee codbixiyayaasha.

 20/07/2026: Qabashada Doorashada Galmudug.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso, murashaxiinta, iyo shacabka Galmudug-ba inay u u hoggaansamaan jadwalkan si ay u qabsoonto doorasho hufan, xor iyo caaddil ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *