LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Israa’iil oo shixnad milatari laguna qariyay magaca Qaramada Midoobay keentay Muqdisho

Warbixin cusub oo ay baahisay warbaahinta Al-Mayadeen, iyadoo soo xiganeysa ilo istiraatiiji ah oo gobolka ka tirsan, ayaa sheegtay in shixnad miisaankeedu gaarayo ku dhowaad 1,000 kiiloogaraam oo la sheegay inay ka timid Tel Aviv ay soo martay Nairobi ka hor inta aysan 21-kii Juun soo gaarin magaalada Muqdisho.

Sida warbixintu sheegtay, shixnadda ayaa loo diiwaangeliyay inay ku socotay xafiis ay Qaramada Midoobay ku leedahay Muqdisho, hase yeeshee ilahaasi waxay ku andacoodeen inay xambaarsaneyd nidaam isgaarsiin casri ah oo loogu talagalay adeegsi milatari iyo sirdoon.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in qalabkaasi ay bixiysay shirkad lagu magacaabo Mer Security and Communications, oo xarunteedu tahay magaalada Or Yehuda, isla markaana ugu dambeyn lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leedahay Muqdisho.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay, dowladda Soomaaliya ama Israa’iil oo xaqiijinaya ama beeninaya eedeymahan, kuwaas oo ku saleysan xog ay soo bandhigeen ilo uu xigtay Al-Mayadeen.

Warbixintan ayaa soo baxday kadib markii hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen, Cabdulmaalik Al-Xuuti, uu sheegay in kooxdiisu ay si dhow ula socoto waxa uu ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyada Israa’iil ee Soomaaliya.

Al-Xuuthi ayaa sheegay in Israa’iil ay doonayso inay saldhig ka sameysato Soomaaliya si ay saameyn ugu yeelato marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab, isagoo ugu baaqay dalalka ku teedsan Badda Cas inay yeeshaan mowqif mideysan oo ka dhan ah faragelinta uu ku eedeeyay Israa’iil.

Warbixintan ayaa kusoo beegmeysa xilli gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas ay sii kordhayaan loollanka istiraatiijiga ah iyo xiisadaha amni ee u dhexeeya quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *