Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay madax-dhaqameed ka yimid gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho. Madax-dhaqameedka kulanka ka qaybgalay ayaa kala ahaa Boqor Ibraahim Boqor Cali Xuseen, Suldaan Maxamuud Axmed iyo Suldaan Cumar Cismaan Goodir. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed, midnimada dalka iyo doorka ay hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin nabadaynta, isu-soo-dhoweynta iyo adkaynta wadajirka bulshada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay madax-dhaqameedku u leeyihiin ilaalinta nabadda, midnimada iyo isku-duubnida bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay…
Muqdisho (Banaadir24) — Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay u soo bandhigtay heshiis, balse uu si cad u diiday, isaga oo ku adkeystay in dagaalka lagula jiro kooxda uusan jirin waddo kale oo lagu soo afjari karo. Aadan Madoobe ayaa sheegay in uusan diyaar u ahayn heshiis uu la galo Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in nabad lagu raadsado tanaasul noocaas ah aysan ahayn nabad dhab ah. Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa hadalkiisa ku muujiyay mowqif adag oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxda, isaga oo sheegay in dagaal mooyee…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti (Palais Présidentiel) kula kulmay Madaxweynaha wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, oo ah laba dal oo ay mideeyaan dhalasho-wadaag, af, dhaqan iyo taariikh soo jireen ah. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa tilmaamay in xiriirka laba dal ee walaalaha ah uusan ku koobneyn keliya xiriir diblomaasiyadeed balse uu salka ku haayo walaaltinimada qotodheer…
Muqdisho (Banaadir24) — Ciidamo ka tirsan Ururka 86-aad ee Guutada 77-aad ee Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo horay ugu sugnaa deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud, ayaa la sheegay in loo wareejiyay deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay ogaatay Banaadir24. Ciidamadan waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Cabdinuur Qadaaye. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in inta badan askarta cutubkan ay ka soo jeedaan jufada hoose ee Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud. Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in ciidamadan laga soo raro Masagawaay loona wareejiyo Sabiib iyo Caanoole. Dhanka kale, xubno ka tirsan mucaaradka ayaa tallaabadan ku…
Muqdisho (Banaadir24) — Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa magacaabay saddex xubnood oo ku matali doona guddiga wada xaajoodka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo loogu diyaar garoobayo kulanka la qorsheeyay inuu qabsoomo 14-ka Nofeembar 2026. Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah: Cabdikariim Xuseen Guuleed Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Cabdullaahi Carab Guddigan ayaa qaabilsan diyaarinta mowqifka siyaasadeed ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo wada xaajoodka hordhaca ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wada hadallada ayaa la filayaa inay diiradda saaraan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka oo weli ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee u baahan is-afgarad siyaasadeed. Magacaabistan ayaa imaanaysa iyadoo…
Muqdisho (Banaadir24) — Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad xasaasi ah oo ku saabsan mustaqbalka amniga dalka, iyadoo isbeddellada ku socda joogitaanka ciidamada shisheeye, caqabadaha dhaqaale iyo khilaafaadka siyaasadeed ay walaac ka abuureen qorshaha dowladda ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga. Warbixin uu daabacay wargeyska People Daily ee Kenya ayaa tilmaamaysa in xiritaanka howlgalka KMG ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) 31-kii October 2026, iyo go’aanka Uganda ay ku bilowday dhimista ciidamadeeda Soomaaliya kadib muddo ku dhow 20 sano, ay dib u soo nooleeyeen su’aalaha ku saabsan awoodda dalka ee isku filnaanshaha dhinaca amniga. Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ayaa…
Muqdisho (Banaadir24) — Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in horjooge lagu magacaabo Gaagaale, oo la sheegay inuu muddo dheer ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isla markaana soo noqday madaxa jabhadaha kooxda ee gobolka Mudug, lagu dilay dagaalkii dhowaan ka dhacay deegaanka Qardho ee u dhexeeya Jameeco iyo Leego. Saraakiil ciidan ayaa xaqiijiyeen dhimashada horjoogahan, iyagoo xusay inuu muddo dheer ka mid ahaa hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab, islamarkaana xilal muhiim ah kasoo qabtay dhanka abaabulka iyo hoggaaminta maleeshiyaadka. Dilka horjoogahan ayaa la sheegay inuu ka dhacay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay deegaanka Qardho, kaas oo qeyb ka ahaa…
Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay qorsheyneyso in howlgallada milatari ee Banooda ay u weeciso magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dib-u-dhac ay la kulantay gulufkeedii milatari ee ku wajahnaa degmada Buurhakaba. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in shalay Barawe la geeyay laba cutub oo ka tirsan guutada 21-aad ee kumaandooska Gorgor, kuwaas oo qeyb ka ah diyaar-garowga howlgal cusub oo lagu xoojinayo maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ee Koonfur Galbeed. Dhanka kale, wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Daraawiishta ee taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay dhowr jiho uga soo dhaqaaqayaan…
Baydhabo (Banaadir24) — Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa soo saaray amar xaddidaya duulimaadyada qaada ciidamada iyo agabka milatari ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo taga deegaannada maamulkaasi. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Koonfur Galbeed ayaa shirkadaha diyaaradaha, hawl-wadeennada duulista iyo adeeg-bixiyeyaasha kale looga digay inay qaadaan ciidamada milatariga dowladda Federaalka ama qalabkooda iyaga oo aan haysan oggolaansho. Amarkan oo dhaqan-gal ah isla markiiba ayaa khuseeya dhammaan garoomada diyaaradaha iyo kuwa kale ee ku yaalla deegaannada Koonfur Galbeed. Wasaaraddu waxay sheegtay in shirkadaha ku xadgudba amarka ay wajihi karaan tallaabooyin…
Baydhabo (Banaadir24) — Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed. Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni, xoojinta sugidda amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed. Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso amniga iyo nabadgelyada shacabka, iyadoo la dardargelinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dhammaan qeybaha ay khuseyso ee ka shaqeeya ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulkaasi. Intii uu socday shirka, waxaa si gaar ah diiradda loo…