Muqdisho (Banaadir24) — Ciidamo ka tirsan Ururka 86-aad ee Guutada 77-aad ee Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo horay ugu sugnaa deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud, ayaa la sheegay in loo wareejiyay deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay ogaatay Banaadir24.
Ciidamadan waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Cabdinuur Qadaaye. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in inta badan askarta cutubkan ay ka soo jeedaan jufada hoose ee Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.
Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in ciidamadan laga soo raro Masagawaay loona wareejiyo Sabiib iyo Caanoole.
Dhanka kale, xubno ka tirsan mucaaradka ayaa tallaabadan ku tilmaamay qorshe la xiriira in ciidamo ay u arkaan kuwo kalsooni gaar ah lagu qabo lagu daro qorshaha loo bixiyay “Qaansada”, kaas oo la xiriira sugidda amniga caasimadda Muqdisho.
Wareejintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan doorka ciidamadan ee qorshaha amni ee dowladda iyo sababta keentay in laga beddelo goobtii ay horay uga hawlgeli jireen.
