Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay qorsheyneyso in howlgallada milatari ee Banooda ay u weeciso magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dib-u-dhac ay la kulantay gulufkeedii milatari ee ku wajahnaa degmada Buurhakaba.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in shalay Barawe la geeyay laba cutub oo ka tirsan guutada 21-aad ee kumaandooska Gorgor, kuwaas oo qeyb ka ah diyaar-garowga howlgal cusub oo lagu xoojinayo maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ee Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Daraawiishta ee taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay dhowr jiho uga soo dhaqaaqayaan magaalada Barawe, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo iska horimaad milatari oo ka dhaca magaalada xeebta ah.
Labada dhinac ayaa wada dhaqdhaqaaqyo milatari oo la xiriira loollanka maamulka iyo gacan-ku-haynta deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo ciidamada taabacsan Laftagareen ay iyaguna wadaan howlgallo ay ku doonayaan inay ku xoojiyaan awooddooda dhulka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in labada dhinac ay taageero ka helayaan dowlado shisheeye, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin nooca iyo baaxadda taageeradaas.
Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa ciidamada taabacsan Laftagareen ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, eedeymahaas oo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa muujinaya in magaalada Barawe ay geli karto marxalad cusub oo loollanka siyaasadeed iyo milatari ee Koonfur Galbeed, iyadoo xaaladda amni ee gobolka ay weli tahay mid isbeddelaysa.
