Baydhabo (Banaadir24) — Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa soo saaray amar xaddidaya duulimaadyada qaada ciidamada iyo agabka milatari ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo taga deegaannada maamulkaasi.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Koonfur Galbeed ayaa shirkadaha diyaaradaha, hawl-wadeennada duulista iyo adeeg-bixiyeyaasha kale looga digay inay qaadaan ciidamada milatariga dowladda Federaalka ama qalabkooda iyaga oo aan haysan oggolaansho.
Amarkan oo dhaqan-gal ah isla markiiba ayaa khuseeya dhammaan garoomada diyaaradaha iyo kuwa kale ee ku yaalla deegaannada Koonfur Galbeed. Wasaaraddu waxay sheegtay in shirkadaha ku xadgudba amarka ay wajihi karaan tallaabooyin sharci iyo maamul, oo ay ku jirto in laga joojiyo rukhsadaha ay ku shaqeeyaan.
Maamulka ayaa sidoo kale ka reebay duulimaadyada Qaramada Midoobay (UN) iyo howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), haddii ay fulinayaan howlo bani’aadannimo, caafimaad ama hawlgallo rasmi ah oo la oggolaaday.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Laftagareen iyo dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, iyadoo tallaabadan ay dhalisay walaac la xiriira isu-socodka mas’uuliyiinta dowladda, adeegsiga garoomada diyaaradaha iyo kala aragti duwanaanshaha labada dhinac.
