Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay madax-dhaqameed ka yimid gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Madax-dhaqameedka kulanka ka qaybgalay ayaa kala ahaa Boqor Ibraahim Boqor Cali Xuseen, Suldaan Maxamuud Axmed iyo Suldaan Cumar Cismaan Goodir.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed, midnimada dalka iyo doorka ay hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin nabadaynta, isu-soo-dhoweynta iyo adkaynta wadajirka bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay madax-dhaqameedku u leeyihiin ilaalinta nabadda, midnimada iyo isku-duubnida bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wada-hadalka, is-qaddarinta iyo xiriirka soo jireenka ah ee bulshada Soomaaliyeed ay yihiin tiirar muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xoojinta walaaltinimada.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa madax-dhaqameedka ugu baaqay inay sii xoojiyaan dadaallada nabadaynta iyo isu-soo-dhoweynta bulshada Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa imanaya iyadoo xiriirka iyo wada-hadallada bulshada Soomaaliyeed ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur ay weli yihiin arrimo muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo wadajirka iyo is-fahamka bulshada.
