Author: Banaadir24

Muqdisho (Banaadir24) — Maxkamadda Sare ee dalka ayaa go’aan muhiim ah ka soo saartay muranka dastuuriga ah ee ka taagan muddo-xileedka hay’adaha dowladda federaalka, iyadoo sheegtay in wax-ka-beddelkii dastuurka uusan muddo-xileed cusub u kordhin hay’adaha hadda jira. Go’aanka oo ay gaareen shan garsoore oo ka tirsan guddiga dastuuriga ah ee maxkamadda ayaa lagu caddeeyay in tallaabooyinka ay qaadeen hay’adaha dowladda kaddib marka ay dhammaadaan muddo-xileedkooda afarta sano ah aysan sharci ahayn. Maxkamaddu waxay dhinacyada siyaasadda ku amartay inay muddo 30 maalmood gudahood ah ku heshiiyaan hannaan doorasho, iyadoo sidoo kale faray in doorashooyinka la qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.…

Read More

Muqdisho (Banaadir24) — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa duleedka magaalada Baraawe kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo isugu jiray Guutada 8-aad iyo Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor. Taliyaha ayaa ciidamada ku boorriyay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, heegan iyo diyaar-garow buuxa, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sugidda amniga iyo ilaalinta deegaannada ay ku sugan yihiin. Booqashada Taliyaha ayaa imaneysa xilli ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegeen mas’uuliyadda amniga magaalada Baraawe, kaddib bixitaankii ciidamada Midowga Afrika ee halkaasi ku sugnaa. Tallaabadan ayaa muujineysa doorka sii kordhaya ee Ciidanka Xoogga Dalka…

Read More

Baydhabo (Banaadir24) — Ciidamo ka tirsan Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo daacad u ah Madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xalay lagu arkay goobo kala duwan oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo si weyn u hubeysan lagu arkay deegaannada Bayburjaad, Haabare, Kuusow iyo Hinshaloole, halkaas oo dhaqdhaqaaqooda ciidan uu sare u qaaday dareenka amni ee magaalada iyo deegaanada ku xeeran. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga ujeeddada ka dambeysa dhaq-dhaqaaqyada ciidamadan, iyo in ay qeyb ka yihiin qorshe hawlgal milatari ama ay yihiin dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo…

Read More

Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Dr. Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo xilkaas u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan. Go’aankan ayaa yimid kaddib cabashooyin la xiriira habsami u socodka iyo hufnaanta garsoorka oo ay muujiyeen garsoorayaal, hawl-wadeennada hay’adaha garsoorka iyo xirfadlayaasha sharciga. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu go’aankan ku gaaray baahida loo qabo dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameeyo hay’adaha garsoorka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan, caddaalad ah oo la isku halleyn karo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomiyaha cusub u rajeeyay inuu ku…

Read More

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiil ka socotay AUSSOM, odayaasha dhaqanka, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Baraawe iyo deegaannada ku xeeran. Kulamada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda guud ee amniga degmada Baraawe iyo deegaannada ku hareeraysan, qiimeynta xaaladda amni, xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka. Taliyaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha amniga, isagoo saraakiisha iyo ciidamada faray inay si buuxda u gutaan waajibaadkooda qaran, una diyaar…

Read More

Muqdisho (Banaadir24) — Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa qorsheynaya inuu la wareego afar saldhig oo milatari oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii Uganda ay bilowday qorshaha ay ciidamadeeda ugala baxayso Soomaaliya. Wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ayaa sheegtay in saldhigyada la qorsheynayo in ciidamada AUSSOM ay la wareegaan ay kala yihiin Sabiid-Anole, Bariire, Awdheegle iyo Buulo-Nagaad, kuwaas oo muhiim u ah howlaha amniga iyo difaaca caasimadda Muqdisho. Qorshahan ayaa qeyb ka ah dib-u-habeyn lagu sameynayo howlgalka Midowga Afrika, iyadoo ciidamo kale oo AUSSOM ka tirsan loo qorsheeyay in laga soo wareejiyo magaalada Baraawe si ay…

Read More

Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Mareykanka ayaa ciidamadeeda kala baxday saldhigga milatari ee Bali-Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo muddo dheer ahaa xarun muhiim u ah howlgalada milatari ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya. Wargeyska Stars and Stripes ayaa qoray in ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha milatariga ee Bali-Doogle ay dhowaan isaga baxeen xarunta, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada ciidamada baxay iyo halka loo wareejiyay. Saldhigga Bali-Doogle oo qiyaastii 60 mayl dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa door muhiim ah ku lahaa howlgalada Mareykanka ee Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ciidamada sida gaarka ah…

Read More

Muqdisho (Banaadir24) — Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku soo qulqulayaan maleeshiyaad ka tirsan ciidamada Macawiisleyda, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya siyaasiyiinta iyo maamulka Hirshabeelle. Maleeshiyaadkan oo door weyn ka soo qaatay dagaalladii lagula jiray kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ka soo horjeedaan hoggaanka hadda jira ee maamulka Hirshabeelle, iyadoo ay soo baxayaan qorshayaal la xiriira dhismaha maamul kale oo ka madax-bannaan Hirshabeelle. Khilaafkan ayaa salka ku haya tabashooyin siyaasadeed oo soo jiitamayay tan iyo markii la dhisay maamulka Hirshabeelle sanadkii 2016, gaar ahaan awood-qaybsiga, matalaadda siyaasadeed, xulashada…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa tallaabada ay Israa’i1l ku sheegtay inay safiir u soo magacawday Hargeysa, iyo dhagax dhigga dhisme ay ku sheegtay safaarad ku taalla dhulka Soomaaliyeed. Tallaabooyinkaan la qaaday iyada oo aan oggolaansho laga haysan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si bareer ah u jebinayaan madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay u aqoonsanaysaa tallaabooyinkaas kuwo waxba kama jiraan ah oo aan wax saameyn sharci ah lahayn. Hargeysa iyo gobolka Waqooyi galbeed waxay weli yihiin qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Aasaasidda xiriir diblomaasiyadeed…

Read More

Muqdisho (Banaadir24) — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay saldhigyadii ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku lahaayeen deegaannada Baraawe iyo Shalaambood ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi. La wareegidda saldhigyadan ayaa timid xilli ay socdaan qorshayaasha dib-u-habaynta iyo dhimista ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyadda sugidda amniga deegaannada ay horay uga howlgeli jireen ciidamada ATMIS si tartiib tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliyeed. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, si ay si madax-bannaan ula wareegaan sugidda amniga iyo…

Read More