Author: Banaadir24

Muqdisho (Banaadir24) — Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in isaga iyo garsoorayaashii Maxkamadda Sare ee gaaray go’aankii 5-tii November ay wajahayaan hanjabaado amni oo halis ah. Warqad maanta ka baxday xafiiska Maxkamadda Sare, kuna socotay safaaradaha shisheeye, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, ayuu Baashe ku sheegay in hanjabaado culus ay soo gaareen isaga iyo garsoorayaasha, kadib go’aankii ay shalay soo saareen. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ilaaladii amniga laga qaaday isaga iyo garsoorayaashii kale, isla markaana shan garsoore laga hor istaagay inay dalka ka dhoofaan. Sidoo kale, Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuu helay xog ku…

Read More

Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay laba markab dagaal oo kuwa ciidamada badda ah, kuwaas oo galbinaya markab kalluumeysi oo laga leeyahay Turkiga, kaas oo la qorsheynayo inuu howlgallo kalluumeysi tijaabo ah ka fuliyo biyaha Soomaaliya. Labada markab dagaal oo kala ah TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım ayaa ku sii jeeda magaalada Muqdisho, waxaana howshooda ugu weyn ay tahay ilaalinta markabka kalluumeysiga ee lagu magacaabo Mustafa Korkmaz A, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga. Markabkan ayaa la filayaa inuu kalluumeysi sahamin iyo tijaabo ah ka sameeyo aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya, oo…

Read More

Beledweyne (Banaadir24) — Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), uu gaaray magaalada, isagoo kasoo galay dhanka xuduudda Feer-Feer ee dalka Itoobiya. Sanbaloolshe ayaa la sheegay inuu la socday kolonyo ay galbinayeen ciidamo ka tirsan Macawiisleyda, xilli ay magaalada Beledweyne ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha Hiiraan, maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Imaatinkiisa ayaa kusoo aadaya xilli ciidamo hubeysan oo Macawiisley ah ay la wareegeen xarumo maamul oo muhiim ah oo ku yaalla Beledweyne, taasoo…

Read More

Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in sii xoogeysashada colaadaha iyo xasillooni darrada siyaasadeed ee Itoobiya ay saameyn taban ku yeelan karaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo wareysi siiyay telefishinka TRT World, ayaa sheegay in amniga Itoobiya uu si toos ah ula xiriiro amniga Soomaaliya, maadaama labada dal ay wadaagaan xuduud dheer iyo xiriir dhaqaale, bulsho iyo taariikheed. Cali Balcad ayaa ka digay in haddii colaadaha gudaha Itoobiya ay sii dheeraadaan, ay suuragal tahay in ciidamada Itoobiya ee qeybta…

Read More

Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Mareykanka ayaa dib u habeyn ku sameyneysa goobaha ay ciidamadeedu ka howlgalaan gudaha Soomaaliya, iyadoo ay sii waddo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka gaabsaday inuu si rasmi ah u xaqiijiyo wararka sheegaya in ciidamadiisu ay isaga baxeen saldhigga milatari ee Balidoogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose. Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa sheegay in talisku uusan faahfaahin ka bixin dhaqdhaqaaqa ciidamadiisa iyo goobaha ay ka howlgalaan, isagoo sabab uga dhigay arrimo la xiriira amniga howlgallada iyo badbaadada askarta. Mareykanka ayaa dhanka kale sheegay in dib…

Read More

Muqdisho (Banaadir24) — Ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dalal xulafo la ah ka codsaday taageero ciidan oo gaaraysa 20,000 oo askari, kuwaas oo la wareegi doona amniga goobaha muhiimka ah ee ay ka baxayaan ciidamada Midowga Afrika. Wararka ayaa tilmaamaya in Turkiga uu aqbalay qorshe la xiriira dirista in ka badan 15,000 oo askari oo la geeyo koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo la qorsheynayo in la geeyo Muqdisho, Baraawe, Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran ka hor bisha Janaayo 2027. Sida xogta la helay tilmaamayso, ciidamadaas ayaa la qorsheynayaa in lagu geeyo heshiis laba…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka Galmudug, taasi oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku dul istaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, xoojinta dowladnimada, horumarinta dimuqraadiyeynta iyo qorshaha dalka looga hirgalinayo doorashooyin toos ah ee muwaadiniintu ku dooranayaan hoggaankooda. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu bogaadiyey doorashooyinkii taariikhiga ahaa ee sida nabadda iyo ilbaxnimada leh uga qabsoomay Galmudug, kuwaasi oo laba jeer oo xiriir ah muujiyey horumarka laga gaaray geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta hannaanka…

Read More

Muqdisho (Banaadir24) — Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Baraawe, isagoo ka digay in askarta halkaasi la geeyay ay wajahaan khatar amni, maadaama aan la siin taageeradii ciidan iyo saadkii ay u baahnaayeen. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ciidamada loo diray Baraawe ay ku shaqeynayaan duruufo adag, isla markaana ay ka maqan yihiin sahaydii milatari, gurmadkii iyo xoojintii lagama maarmaanka u ahayd howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Wuxuu tusaale u soo qaatay dhacdadii ciidamada dowladda ku qabsatay deegaanka Leego, isagoo ka digay in mas’uuliyiinta dowladda ay ku celin…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Galmudug. Wafdiga Madaxweynaha waxaa halkaasi si diirran uu ugu soo dhoweeyay Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan ,qaar kamid ah maamulada Dowlad Goboleedyada,xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalk,saraakiil ciidan iyo hoggaamiyaasha ururada bulshada. .Madaxweynaha ayaa magaaladaasi kaga qaybgalaya munaasabadda caleemo-saarka madaxda la doortay ee Dowlad Goboleedka Galmudug, taasoo hadda ay socoto qabanqwaabadii iyo diyaargarowgii ugu dambeeyay. Munaasabadda caleemo saarka ee maanta waxaa kaloo ka qeybgalaya marti sharaf kale oo ka kala socda gudaha dalka iyo…

Read More

Muqdisho (Banaadir24) — Xildhibaanada Xorta ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan ay ku caddeeyeen in Maxkamadda Sare ee dalka ay tahay hay’adda keliya ee awoodda u leh fasiraadda Dastuurka iyo go’aaminta khilaafaadka la xiriira muddo-xileedka hay’adaha dowladda. Xildhibaanada ayaa bayaankooda ku sheegay in muddo-xileedka hay’adaha dowladda federaalka uu dhammaaday 14-kii April 2026, halka muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeennada uu ku ekaa 15-kii May 2026. Waxay carrabka ku adkeeyeen in khilaafaadka ka dhasha muddo-xileedka hay’adaha dastuuriga ah lagu xalliyo Maxkamadda Sare, isla markaana aan la qaadan go’aanno siyaasadeed oo hal dhinac ah oo aan waafaqsanayn habraacyada dastuuriga ah.…

Read More