Muqdisho (Banaadir24) — Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa magacaabay saddex xubnood oo ku matali doona guddiga wada xaajoodka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo loogu diyaar garoobayo kulanka la qorsheeyay inuu qabsoomo 14-ka Nofeembar 2026.
Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:
- Cabdikariim Xuseen Guuleed
- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
- Cabdullaahi Carab
Guddigan ayaa qaabilsan diyaarinta mowqifka siyaasadeed ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo wada xaajoodka hordhaca ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wada hadallada ayaa la filayaa inay diiradda saaraan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka oo weli ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee u baahan is-afgarad siyaasadeed.
Magacaabistan ayaa imaanaysa iyadoo loo diyaar garoobayo kulan siyaasadeed oo muhiim ah, kaas oo lagu doonayo in laga wada hadlo khilaafaadka u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.
