Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Mareykanka ayaa dib u habeyn ku sameyneysa goobaha ay ciidamadeedu ka howlgalaan gudaha Soomaaliya, iyadoo ay sii waddo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka gaabsaday inuu si rasmi ah u xaqiijiyo wararka sheegaya in ciidamadiisu ay isaga baxeen saldhigga milatari ee Balidoogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa sheegay in talisku uusan faahfaahin ka bixin dhaqdhaqaaqa ciidamadiisa iyo goobaha ay ka howlgalaan, isagoo sabab uga dhigay arrimo la xiriira amniga howlgallada iyo badbaadada askarta.
Mareykanka ayaa dhanka kale sheegay in dib loo meeleynayo ciidamadiisa si loo sii xoojiyo taageerada amni iyo howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee Soomaaliya.
Saldhigga Balidoogle ayaa muddo dheer ahaa xarun muhiim u ah howlgalada milatari ee Mareykanka, waxaana si gaar ah loogu adeegsadaa taageerada iyo tababarka ciidamada kumaandooska Danab ee Soomaaliya.
Dhanka kale, AFRICOM ayaa sheegtay inay sii waddo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo bishii October ay Soomaaliya ka fulisay laba duqeyn oo kala dhacay 21-kii iyo 23-kii October.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in Mareykanku gebi ahaanba isaga baxayo saldhigga Balidoogle, waxaana weli furan su’aasha ah in tallaabadan ay tahay bixitaan ciidan ama dib-u-habeyn lagu sameynayo goobaha ay ciidamada Mareykanka ka howlgalaan Soomaaliya.
