Muqdisho (Banaadir24) — Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Baraawe, isagoo ka digay in askarta halkaasi la geeyay ay wajahaan khatar amni, maadaama aan la siin taageeradii ciidan iyo saadkii ay u baahnaayeen.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ciidamada loo diray Baraawe ay ku shaqeynayaan duruufo adag, isla markaana ay ka maqan yihiin sahaydii milatari, gurmadkii iyo xoojintii lagama maarmaanka u ahayd howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wuxuu tusaale u soo qaatay dhacdadii ciidamada dowladda ku qabsatay deegaanka Leego, isagoo ka digay in mas’uuliyiinta dowladda ay ku celin karaan khaladaad hore, haddii aan la hubin badqabka iyo taageerada ciidamada furimaha ku sugan.
Digniinta siyaasigan ayaa mar kale soo bandhigtay walaaca laga qabo qorshaha dowladda ee howlgalada milatari ee Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan diyaar-garowga ciidamada, helitaanka saanadda iyo awoodda gurmadka degdegga ah marka ay dhacaan weerarro.
Su’aasha taagan ayaa ah: ciidamada Baraawe ma haystaan saanaddii iyo gurmadkii ay ugu baahnaayeen inay ku wajahaan khataraha amni ee halkaasi ka jira?
