Muqdisho (Banaadir24) — Ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dalal xulafo la ah ka codsaday taageero ciidan oo gaaraysa 20,000 oo askari, kuwaas oo la wareegi doona amniga goobaha muhiimka ah ee ay ka baxayaan ciidamada Midowga Afrika.
Wararka ayaa tilmaamaya in Turkiga uu aqbalay qorshe la xiriira dirista in ka badan 15,000 oo askari oo la geeyo koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo la qorsheynayo in la geeyo Muqdisho, Baraawe, Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran ka hor bisha Janaayo 2027.
Sida xogta la helay tilmaamayso, ciidamadaas ayaa la qorsheynayaa in lagu geeyo heshiis laba geesood ah oo dhex mara Soomaaliya iyo Turkiga. Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada la qorsheynayo ay ku jiraan dagaalyahanno hore uga qeybgalay dagaalladii Suuriya, balse aan ka tirsanayn diiwaanka rasmiga ah ee ciidamada Turkiga.
Dhanka kale, qorshaha ayaa la sheegay inuu dhigayo in garoomada diyaaradaha ee Baraawe iyo Baydhabo loo adeegsado saldhigyo milatari oo Turkigu yeesho, iyadoo qorshaha Baydhabo uusan weli hirgelin.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso dib-u-habeyn ku saabsan xiriirrada diblumaasiyadeed ee dalalka qaar ee saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya, iyadoo sii xoojinaysa ku tiirsanaanta taageerada milatari ee Turkiga.
