Muqdisho (Banaadir24) — Xildhibaanada Xorta ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan ay ku caddeeyeen in Maxkamadda Sare ee dalka ay tahay hay’adda keliya ee awoodda u leh fasiraadda Dastuurka iyo go’aaminta khilaafaadka la xiriira muddo-xileedka hay’adaha dowladda.
Xildhibaanada ayaa bayaankooda ku sheegay in muddo-xileedka hay’adaha dowladda federaalka uu dhammaaday 14-kii April 2026, halka muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeennada uu ku ekaa 15-kii May 2026.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in khilaafaadka ka dhasha muddo-xileedka hay’adaha dastuuriga ah lagu xalliyo Maxkamadda Sare, isla markaana aan la qaadan go’aanno siyaasadeed oo hal dhinac ah oo aan waafaqsanayn habraacyada dastuuriga ah.
Sidoo kale, Xildhibaanada Xorta ah ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadda iyo hay’adaha dowladda inay dhowraan Dastuurka, shuruucda dalka iyo go’aannada Maxkamadda Sare, iyagoo ka digay tallaabo kasta oo wax u dhimi karta midnimada qaranka, xasilloonida siyaasadeed iyo hay’adaha dowliga ah.
Bayaankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan muddo-xileedka hay’adaha dowladda federaalka, awoodda dastuuriga ah iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
Mowqifka Xildhibaanada Xorta ah ayaa kusoo biiraya doodda sii xoogeysanaysa ee ku saabsan sharciyadda sii joogitaanka hay’adaha dowladda iyo doorka Maxkamadda Sare ee xal u helidda khilaafaadka dastuuriga ah.

