Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay laba markab dagaal oo kuwa ciidamada badda ah, kuwaas oo galbinaya markab kalluumeysi oo laga leeyahay Turkiga, kaas oo la qorsheynayo inuu howlgallo kalluumeysi tijaabo ah ka fuliyo biyaha Soomaaliya.
Labada markab dagaal oo kala ah TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım ayaa ku sii jeeda magaalada Muqdisho, waxaana howshooda ugu weyn ay tahay ilaalinta markabka kalluumeysiga ee lagu magacaabo Mustafa Korkmaz A, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.
Markabkan ayaa la filayaa inuu kalluumeysi sahamin iyo tijaabo ah ka sameeyo aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya, oo ah dhul-badeedka ay Soomaaliya ku leedahay xuquuqda ka faa’iideysiga iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Turkiga weli ma aysan shaacin muddada uu socon doono howlgalka kalluumeysiga, faahfaahinta ruqsadda la siiyay markabka iyo heshiiska ganacsi ee lagu maamulayo howlgalka.
Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli Turkiga uu sii ballaarinayo joogitaankiisa milatari iyo dhaqaale ee Soomaaliya, kaddib heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee labada dal ay kala saxiixdeen sanadkii 2024.
Dhanka kale, siyaasiyiin mucaarad ah ayaa walaac ka muujiyay howlaha sii kordhaya ee Turkiga, iyagoo su’aalo ka keenay hufnaanta heshiisyada iyo in si ku filan loola tashado dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya marka laga hadlayo kheyraadka dalka.
Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xilli Soomaaliya ay wajahayo khilaaf siyaasadeed oo xooggan, muran ka taagan dastuurka iyo muddo-xileedka dowladda Federaalka, iyo xiisado amni oo ka jira qaar kamid ah dowlad-goboleedyada.
Waxaa sidoo kale jira su’aalo la xiriira faa’iidada dhaqaale ee Soomaaliya ka heli doonto howlgalka kalluumeysiga, maadaama aan weli si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta dakhliga iyo heshiiska ganacsi ee markabka.
Ilaa hadda, Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ma aysan shaacin faahfaahin ku saabsan faa’iidada dhaqaale ee Soomaaliya ka heli doonto howlgalka.
