Muqdisho (Banaadir24) — Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in isaga iyo garsoorayaashii Maxkamadda Sare ee gaaray go’aankii 5-tii November ay wajahayaan hanjabaado amni oo halis ah.
Warqad maanta ka baxday xafiiska Maxkamadda Sare, kuna socotay safaaradaha shisheeye, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, ayuu Baashe ku sheegay in hanjabaado culus ay soo gaareen isaga iyo garsoorayaasha, kadib go’aankii ay shalay soo saareen.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ilaaladii amniga laga qaaday isaga iyo garsoorayaashii kale, isla markaana shan garsoore laga hor istaagay inay dalka ka dhoofaan.
Sidoo kale, Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuu helay xog ku saabsan qorshe la doonayo in lagu xiro, iyadoo ay jiraan cabsi laga qabo in xitaa naftiisa la waxyeelleeyo.
Baashe ayaa beesha caalamka ka codsaday inay ka qeyb qaadato dammaanad-qaadka amnigiisa iyo kan garsoorayaasha, ilaalinta madax-bannaanida garsoorka iyo xaqiijinta xorriyadda dhaqdhaqaaqooda.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo sii xoogeysanaya, kaasoo hadda saameyn ku yeeshay madax-bannaanida iyo amniga hay’adaha garsoorka dalka.
